4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Imaaraadka Carabta oo Xukuumadda Soomaaliya ugu deeqday gaadiid ay ku jiraan kuwa aysan Xabbaduhu karin (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu deeqeday dowladda federaalka Soomaaliya, 17-gaari oo isugu jiray 10 kuwa ciidamada ah, afar kuwa aysan xabbadu karin ee ay madaxda lagu qaado, laba dab-damis iyo hal ambalaas.

Sidoo kale, waxay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya shan kun oo direeska ciidamada ah, iyadoo deeqdan uu dalka soo gaarsiiyay danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cismaan iyadoo uu kala wareegay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Somalia, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Munaasabado gaadiidka iyo direyska ciidamada lagu wareejinayay ayaa ka kala dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Dekedda iyo safaaradda ay dowladda Imaraadku ku leedahay Muqdisho, iyadoo munaasabadahan ay goob-joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya, agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo saraakii ka tirsan ciidamada booloiska iyo kuwa nabad-sugidda,

“Deeqdan waa mid sare u qaadayso sugidda amniga, aad iyo aad ayaan uga mahad-celinaya dowaldda Imaaraadka inay daneynayso sidii Soomaaliya ay nabad ku noqon lahayd,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya oo isaguna hadal jeediyay ayaa sheegay in deeqda ay dowladdiisu ugu talo-gashay dowladda Somalia, ayna caddeyn u tahay doorka ay ka qaadanayaan horumarinta amniga Soomaaliya, isagoo xusay inay sii wadi doonaan taageerada noocan oo kale ah ee ay siinayaan Soomaaliya.

Intaa kaddib ayaa wasiirka arrimaha gudaha wuxuu 10 baabuurta dagaalka ah, dab-damisyada, ambalaasta iyo direeska ciidamada ayaa booliiska iyo nabadsugidda ku kala wareejiyay, iyadoo afarta gaari ee aanay xabbaduhu karinna ay la wareegtay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha taageerada aan kala go’a lahayn siiya dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Imaaraadka ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay gacan ka geysanayso dib u soo celinta amniga Soomaaliya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya