4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Madaxtooyada Somaliland oo xalay lagu qabtay Munaasabad lagu Xusayay 18-ka May iyo Ruwaayado lagu soo bandhigay (SAWIRRO)


Axad, May 19, 2013 (HOL) — Munaasabad balaaran oo loogu dabaaldegayo sanad guuradda 22ad ee ka soo wareegtay maaalintii Somaliland ku dhowaaqday inay soomaaliya inteedda kale ka go’day ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland.

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha, shirgudoonka labadda gole Guurtidda iyo Wakiiladda ,wasiiro, wefti ka socda jabuuti oo u yimid xuska maalintan, Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Madax dhaqameed iyo dadweyne badan.

Sidoo kale waxa iyaguna kaalinta madadaaladda qayb weyn ka qaatay fanaaniinta qaranka oo ay wehelinayeen fanaaniinta waaweyn ee Sahra Jaamac iyo Saynib Cige, kuwaas madasha ku soo bandhigay heesooyin wadani ah iyo kuwo jacaylaba.

Waxa kale oo fanaaniintu halkaasi xalay ku soo bandhigeen Riwaayad kooban oo ka hadlaysa taariikhdii Somaliland soo martay iyo caqabadihii kala duwana ee ay soo martay illaa lixdankii, taas oo dadweynuhu aad ugu riyaaqeen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isna u mahadnaqay dadweynaha munaasibada kala soo qaybgalay, waxaanu shacabka Somaliland u baryey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo iyo Somaliland oo horumar gaadha.

 

Dhinaca kale, waxa iyaduna hoteeladad qaar lagu dhigay bandhigyo suugaaneed loogu dabaaldegayo munaasibada 18 May, kuwaas oo dhalinyaro badan ka qaybgaleen.

Sidoo kale waxa dhalinyaraddii magaaladu wada kiraysteen baabuurtii macradyada lagu kireeyo, kuwaas oo calamo iyo heeso cod dhaadheer ku xidhay ku gaafwareegayey magaalada dhexdeeda iyo duleedkeedaba, kuwaasoo ay ciidamaduna awoodi kari waayeen inay wax ka qabtaan dhalinyarada xawaaraha sare ku wad baabuurta, isla markaana aanay dhalinyaradu cidna u joojineen taasina waxay keentay in gaadiid kala duwani shilal gaystaan, waxaana shalay bacdda makhribkii duleedka galbeed ee magaaladda kula kulmay gaadhi ay dhalinyaro wateen oo ku qalabmay wadadda barbarkeedda, isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa afar dhalinyaro ah oo saarnaa, gaadhigina halkaasi ku burburay.

Inta badan dhalinyarad baabuurtan wadatay ayaa daaqadda ka lusha, isla markaana xawaare sare ku socda kuwaas oo halis badan ku galla, qaarkoodna dhaawac iyo dhimasho ka soo gaadha, haseyeeshee ilaa hadda lama sheegin wax dhimasho ah.

Si kastaba ha ahaatee labadda maalmood ee la xusayo 18 May ayaa dhalinyaro aad u badani ku xoomaan goobaha baabuurta lagu kiraysto waxaanay qaarkood u dalxiis tagaan magaalooyinka kale, halka kuwo kalana wareeriyaan magaaladda dhexdeeda oo ay ku wareegaan ilaa xiliyadda dambe.






Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland