4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Wafdigii ka Socday Ururka IGAD oo Magaalada Kismaayo kulammo kula leh Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Jubbooyinka


Axad, May 19, 2013(HOL) :- Wafdigii ka socday urur goboleedka IGAD ee shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah gudaha magaalada Kismaayo kula leh siyaasiyiinta iyo odoyaasha beelaha dega Jubooyinka.

Wafdigan ayaa shalay markii uu kasoo dagay garoonka Kismaayo wuxuu halkaasi kulan ay ilbaabada u xiranyihiin kula qaatay Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan loo doortay madaxweeynaha Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Intaas kadib ayuu wafdigu booqday xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasoo ay ku jireen qaar ka tirsan odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, waxayna halkaasi kula qaateen kulan ay ilbaabada u xiranyihiin.

Intaas kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxweeyne ku xigeenka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wuxuuna sheegay in wafdigan yahay mid xaqiiqo raadin ah oo ka socda urur goboleedka IGAD, wuxuuna intaa ku daray in ay uga warbixiyeen xaaladda guud ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa maanta waxay Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo kulan kula leeyihiin Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo isna dhawaan loo doortay madaxweeynaha Jubbaland iyo guddigii ka socday dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Kismaayo.

Ilaa imika lama garanayo waxyaalaha ay kawada hadlayaan, waxaana kulamada uu wafdigani la qaadanayo siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubooyinka ay yihiin kuwo ay saxaafaddu dibad joog ka tahay.

Dhinaca kale afaafka hore ee Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa isugu soo baxay dadweeyne dibadbaxaya kuwaasoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayaan Col Barre Aadan Shire oo isagu ka mid ah siyaasiyiinta sheeganeeysa madaxweeynenimada Jubbaland.

Imaatinka wafdigan ka socday dowlad goboleedka IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweeynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo shirkarkii ka dhacay Kismaayo oo uu ku tilmaamay kuwo aan loo dhameeyn.


Max’ed Xaaji Xuseen
[email protected]
Mogadisho-Soomaaliya.