3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: “Waxaynu Qaadannay Qorshaha Cusub ee Midaynta Deeqaha Caalamka


Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad looga hadlayay mideynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha caalmaka ee ee loo yaqaan ‘New Deal Process’, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad ku saabsan qiimaha ay leedahay mideynta deeqaha.

Munaasabaddan oo lagu maamusay billowga qorshahaan cusub ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Somalia, masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo siyaasiyiin kale.

Qorshahan cusub ayaa waxaa dajiyay dalalka deeqaha bixiya gaar ahaan kuwa ku bahoobay G7, waxaana loogu talo-galay in lagu caawiyo 19 dal oo ay colaado ragaadiyeen. Waa qorshe midaynaya dawladda Somalia, ururrada bulshada iyo deeq-bixiyeyaasha si loo daboolo baahida gargaar ee Somalia. Waana qorshe lagu doonayo in kor loogu qaado waxtarka deeqaha caalamku siiyo dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

“Waxaan diyaar u nahay inaan deeq-bixiyeyaasha caalamka kala shaqayno qorshahan oo noo ogolaanaya inaan sheegano baahideena rasmiga ah iyo qaabka aan u doonayno in gacan nalooga siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo ka hadlay furitaankii munaasabaddan lagu maamuusayay bilowga qorsha cusub ee “New Deal”.

Wasiirka maaliyada iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo isaguna munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay ugu horeyn in dawladda Soomaaliya ay daraasad rasmi ah ku sameynayso xaaladda dalka iyo colaadaha. Isagoo intaas ku daray in daraasadda kaddib Soomaaliya ay deeq-bixiyeyaasha u gudbisan doonto baahideeda ayna la geli doonto heshiis is-afgarad oo ku aaddan qaabka loo daboolayo baahida Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay baahida ay Somalia u qabto taakulada ama gargaarka caalamka, isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in nooca gar-gaar uu noqdo mid dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed lagala tashado si uu waxtar u yeesho. Isagoo dhanka kalana xusay inay lamaga maarmaan tahay in deeq-bixiyeyaashu mideeyaan hawlahooda iyo wax-qabadkooda ku aaddan Soomaaliya.

“Shaki kuma jiro inaan u baahannahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha, una higsan lahayn horumar, dadkeenna u daryeeli lahayd. Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan heshiis is afgarad la gaarno deeq-bixiyayaasha doonaya inay na garab istaagaa dadka Soomaaliyeed, si taageeradoodu u noqoto mid wax-tar leh. Waana inaan isku afgarnno meelaha noogu muhiimsan ee aan kaalmadooda uga baahan nahay, qaabka aan ugu baahanahay iyo waqti ay macquul tahay in laga guul-gaaro hawshaas,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha dowladda. Waxaana si rasmi ah loo guda-galay qeybtii kowaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada-shaqaynayaa dowladda Somalia, ururrada bulshada rayidka ah iyo dalalka deeqaha bixiya.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/14/2013 2:05 PM EST
Guddomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID mudane Faysal Cali Waraabi ayaa iska fogeeyey eedeymo uu u soo jeediyey wasiirak warfaafinta ee Soomaliland. Waxaa wareystay Ibraahim Baafo

5/14/2013 10:37 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) —Xukuumadda Somaliland, ayaa si weyn uga so horjeedsatay soo wareejinta cashuuraha hawadda sare ee Soomaaliya laga qaado ee loo soo gacangaliyey dawladda Soomaaliya.

5/14/2013 10:31 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamacadaha dalka, waxaanu uga waramayey xaaladda guud ee dalka iyo qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

5/14/2013 2:15 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegtay inay xoojinayso dagaallada ay kula jirto ciidamadan, waxaana ay ka hadleen ciidamadii AMISOM ee lagu dilay gudaha Soomaaliya.

5/14/2013 1:52 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Dagaal muddo koobban socday ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 30-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaaalkaas oo ay Al-shabaab ku soo qaadday fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

5/14/2013 12:15 AM EST
Talaado, 14 May, 2013(HOL) :- Waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo dib ugu soo laabatay ku dhawaad 500 oo qoys oo dad Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ku noolaa xerooyinka Qaxootiyada gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.