3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2013
Somaliland oo shaacisay inay si KMG ah u Hakad u Gelisay Duullimaadyadii ay Qaramada Midoobay ku Tegi jirtay Deegaannadeeda

Talaado, May 14, 2013 (HOL) —Xukuumadda Somaliland, ayaa si weyn uga so horjeedsatay soo wareejinta cashuuraha hawadda sare ee Soomaaliya laga qaado ee loo soo gacangaliyey dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in bari laga bilaabo uu joojiyey duulimaadyadii Qaramadda midoobay ay ku imanayeen Somaliland, isla markaana aanu marnaba yeelayn in cashuurtii hawadda loo wareejiyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uuu sheegay in hawlaha ay madaarada Somaliland ka qabanayeen hay’adaha Qarmadda midoobay u qaabilsan Hawadda iyo diyaaradaha ay iyagu la wareegayaan, isla markaana uu hubo inay hawshaasi ka soo bixi karaan, maadaama oo aanay markii horaba wax badan ku qabin cashuuraha laga qaadi jiray hawadda.

“La wareegidaasi cashuuraha hawadda sare ee dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya wuxu dhaawacayaa heshiishkii aanu ku heshiinay Somaliland, Soomaaliya iyo hay’adda Qaramadda midoobay u qaabilsan hawadda sare, waana meesha yaalay qodobo aanu ku heshiinaynay oo ahaa, waxayna ahayd in maamulada hawada sare dal kale loo dhiibo, in meel ku haboon la sahamiyo oo aanu wad jir u maamulano”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawadda Somalilnad Maxamuud Xaashi, waxaanu intaas raaciyey“xuuumadda somaliland marnaba ma aqbali karto go’aankaas umana hogaansamayso hawadayadana Soomaaliya lagama maamuli karo ee anaga ayaa maamulaynayna”

“Waa inay beesha caalamka iyo Somaaliyaba garwaaqsataa xaqiiqadda hadii ay indhaha ka laliyaan dhibaatadii soo martay uunbaa kordhaya hawaduna muran uma baahna waa meel xasaasi ah”ayuu mar kale raaciyey hadalkiisa

Mar uu ka hadlayey go’aan uu ka qaateen duulimaadyada Qaramadda midoobay waxa u yidhi “waxaanu wasaarad ahaan iyo xukuumada ahaan si ku meelgaadha ah u hakinay dhamaan duulimaadyada Qaramada midoobay ee Somaliland ku yimaadaan, waayo arintan iyaga xumeeyey oo gacanta ku hayey oo iyaga dhex noo ahaa, shanta bisha todobaad hawshii ay naga caawin jireen ee hagidda diyaaradaha anaga la wareegayna oo awoodeedda ayaanu leenahay”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay awooda u leeyihiin inay mamaulaan diyaaradah iyo hawadaba “ awood baanu u leenahay aanu ku maamulan karno diyaaradaha iyo hawadda, waynu is ognahay oo soomaaliya iyagu waxa madaarada u maamula shirkaddo kale oo iyagu awoodaas ma laha”

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii wasaaradda warfaafinta, isgaadhsiinta iyo gaadiidka cirka ee soomaaliya shalay sheegtay inay si rasmi ah ula wareegtay maamuladda hawadda sare, isla markaana loo soo wareejiyey gacanta xukuumadda dawladda Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/14/2013 2:05 PM EST
Guddomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID mudane Faysal Cali Waraabi ayaa iska fogeeyey eedeymo uu u soo jeediyey wasiirak warfaafinta ee Soomaliland. Waxaa wareystay Ibraahim Baafo

5/14/2013 11:22 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad looga hadlayay mideynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha caalmaka ee ee loo yaqaan ‘New Deal Process’, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad ku saabsan qiimaha ay leedahay mideynta deeqaha.

5/14/2013 10:31 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamacadaha dalka, waxaanu uga waramayey xaaladda guud ee dalka iyo qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

5/14/2013 2:15 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegtay inay xoojinayso dagaallada ay kula jirto ciidamadan, waxaana ay ka hadleen ciidamadii AMISOM ee lagu dilay gudaha Soomaaliya.

5/14/2013 1:52 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Dagaal muddo koobban socday ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 30-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaaalkaas oo ay Al-shabaab ku soo qaadday fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

5/14/2013 12:15 AM EST
Talaado, 14 May, 2013(HOL) :- Waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo dib ugu soo laabatay ku dhawaad 500 oo qoys oo dad Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ku noolaa xerooyinka Qaxootiyada gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.