3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2013
MADAXWEYNE SIILAANYO: “Waxaynu Dabaal-degaynaa 22-guuradii ka soo wareegtay Madax-banaanida Somaliland"


Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamacadaha dalka, waxaanu uga waramayey xaaladda guud ee dalka iyo qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

Kulankan oo maanta ka dhacay hoteelka Mansoor ee magaaladda Hargeysa, ayaa madaxweynuhu sheegay inay jiraan dalal badan oo doonaya inay Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya, haseyeeshee  haddii ay isku xidhan yihiin shacabkeeda iyo xukuumaddu ay cid walba ka adag yihiin, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ictiraafka Somaliland  hesho ay caqad ku tahay Soomaaliya.

“Ardayda waa mustaqbalkii dalka, dhalinyaradu waa kuwii dalka xoreeyey ee wax ka dhigay waa kuwii qiimaha uu leeyahay u yeelay, waana kuwo himilada dalkan keeni doona, oo difaaci doona qaranimadoodda”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo la hadlayey ardayda jaamacadaha, waxaanu intaas ku daray “waxaynu u dabaaldegaynaa 22 guuradii madax banaanidda Somaliland, halgan aad u dheer oo ay ku baxeen dad iyo dunyo badan ayeynu u soo marnay xoriyadeena, illa imika ictiraafkii dunida ka rabnay maynu helin laakiin dunida way inala dhaqantaa, waxa la inoo arkaa qaran cagihiisa isku taagay, dhibaatooyin kale oo inaga hor taagan oo walaalaheen soomaaliya sabab u yihiine way jiraan, iyadoo duniddi indho kale wax ku eegaysaa, balse waxay wax walba ku xidhan tahay ee ku midho dhalin lahayn madax banaanideenna waa sidii aynu iskugu xidhnaano iyo sida aynu u wada dagaalgalno, waxaan ku kalsoonahay ardaydiina jaamacahaha ka soo baxaysa iyo kuwa kaleba in dagalkaasi iyo hawshaasi qayb libaax uga qaadan doonaan sidii kuwii horaba uga qaadateen xoreyntii dalka”

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyey safaro badan oo uu baxay iyo dalal uu soo maray, waxaanu sheegay in ujeedada hawlahaasi ay ahayd inay ka dhaadhiciyaan qadiyada madax banaanidda Somaliland maadaama oo ay jiraan buu yidhi dalal doonaya inay Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya.

“Waddamo badan baanu tagnay waxaasi oo dhan waaxanu usoconay waxaanu iibgaynayey ama ka dhaadhicinay qadiyada Somaliland, dunida qaar badan ayaa doonaya sidii ay iskugu soo noqon lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin Somaliland way ogsoon tahay hadafkii ay usoo martay xoriyadeedda, laakiin waxay ku xidhan tahay sida dhallinyradeeda iyo shacabkeeddu iyo dawladeeddu iskugu xidhnaato si qadiyad awood leh u noqoto, waxaan boqolkiiba boqol ku kalsoonahay inuu halgankaasi yahay mid inoo wada yaalla.”

Madaxweynuhu wuxuu ku booriyey ardayda jaamacadaha iyo dhalinyarada inay ilaashadaan qaranimadooda, isla markaana isku xidhnaadaan shacab iyo xukuumadda. Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyeyaasha Jaaamcadaha iyo Ardayda Jaamacadaha kala Duwan ee Jaamacada Hargeysa, Admas University, Golis University, Alfa University     iyo New Generation.

Waxa iyaduna halkaasi hadal ka soo jeedisay Niciima Cabdiraxmaan Galeexi oo ah Gudidii Jaamadaha kala duwan, isla markaana  madaxweynaha gudoonsiisay Shahaado Sharaf ay Ardaydu ugu talo gashay Madaxwaynaha, waxaana ku wehliyay kulanka wasiirka Arrimaha dibadda, wasiirka Madaxtooyadda iyo xubno kale, kuwaas oo iyaguna ardayda ugu baaqay in tahriibka iska ilaaliyaan oo wadankooda jeclaadaan.









Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/14/2013 2:05 PM EST
Guddomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID mudane Faysal Cali Waraabi ayaa iska fogeeyey eedeymo uu u soo jeediyey wasiirak warfaafinta ee Soomaliland. Waxaa wareystay Ibraahim Baafo

5/14/2013 11:22 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad looga hadlayay mideynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha caalmaka ee ee loo yaqaan ‘New Deal Process’, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad ku saabsan qiimaha ay leedahay mideynta deeqaha.

5/14/2013 10:37 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) —Xukuumadda Somaliland, ayaa si weyn uga so horjeedsatay soo wareejinta cashuuraha hawadda sare ee Soomaaliya laga qaado ee loo soo gacangaliyey dawladda Soomaaliya.

5/14/2013 2:15 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegtay inay xoojinayso dagaallada ay kula jirto ciidamadan, waxaana ay ka hadleen ciidamadii AMISOM ee lagu dilay gudaha Soomaaliya.

5/14/2013 1:52 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Dagaal muddo koobban socday ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 30-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaaalkaas oo ay Al-shabaab ku soo qaadday fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

5/14/2013 12:15 AM EST
Talaado, 14 May, 2013(HOL) :- Waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo dib ugu soo laabatay ku dhawaad 500 oo qoys oo dad Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ku noolaa xerooyinka Qaxootiyada gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.