3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2013
Boqollaal Qoys oo kasoo laabtay Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab-Kenya oo Gaaray Degmada Ceelwaaaq ee Gobolka Gedo

Talaado, 14 May, 2013(HOL) :- Waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo dib ugu soo laabatay ku dhawaad 500 oo qoys oo qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo sanado badan ku noolaa xerooyinka Qaxootiyada dalka Kenya.

Wareeysi gaar ah oo ku saabsan arimaha dadkaasi qaxootiga ah oo shabakadda HOL ay la yeelatay Gudoomiye K/xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalim Aadan ayuu uga warbixiyay xaaladda guud ee degmada Ceelwaaq iyo weliba dadka barakacayaasha ah ee ku sugan halkaasi.

Masuulkani ayaa sheegay in degmada Ceelwaaq oo markii horeba ay ku sugnaayeen qoysas aad u tiro badan oo kasoo barakacay qaar kat irsan gobollada dalka Soomaaliya ay hadana kusoo biireen 400 oo qoys, kuwaasoo dib uga soo laabtay xerooyinka Dhadhaab iyo Kaakuma, kadib markii buu yiri ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka dhanka nolosha ee ka jira halkaasi.

Mr. Sahal ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in mudadii ay ku sugnaayeen gobolka Gedo ay ka mamnuuceen hay’adihii samafalka wuxuuna sheegay in arintaasi ay keentay in ay kasii darto xaaladda bini-aadanimo ee dadkii ku xoolo beelay abaarihii ku dhuftay dalka.

“Waxaa magaalada soo gaaray ku dhawaad 500 oo qoys oo kasoo laabtay Xerooyinka Qaxootiyada ee Dhadhaab iyo Kaakuma kadib markii ay maqleen in dalkii ay nabad ka dhalatay una dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ka jira halkaasi. Maamulka dhaqaale uu dadkan dib u dejin ugu sameeyo ma hayo, mana jirto cid gacan naga siisay sidii aan u kaalmeyn lahayn dadka dhibaateeysan ee dalka dib ugu soo laabtay,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay hay’adaha samafalka in ay ka gaabiyeen kaalintoodii islamarkaasina aysan ilaa imika sidii la rabay uga howlgelin gobolka Gedo oo uu xusay in ay ku suganyihiin kumannaan qoys oo isaga kala yimid gobollada Bay, Bakool, J/dhexe iyo weliba xerooyinka qaxootiyada ee dalka Kenya.

Dhinaca kale Masuulkan ayaa sheegay in ammaanka degmada Ceelwaaq uu yahay mid la isku haleyn karo islamarkaasina aysan imika muuqan sabab keeni karta in hay’adaha samafalka ay ka welwelaan dhinaca ammaanka, wuxuuna qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda biniaadanimo ee ka jirta halkaasi isagoona ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka in ay deg-deg usoo gaaraan dadka xaaladaha adag ku nool ee ku sugan halkaasi.

.................
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
5/14/2013 2:05 PM EST
Guddomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID mudane Faysal Cali Waraabi ayaa iska fogeeyey eedeymo uu u soo jeediyey wasiirak warfaafinta ee Soomaliland. Waxaa wareystay Ibraahim Baafo

5/14/2013 11:22 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad looga hadlayay mideynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha caalmaka ee ee loo yaqaan ‘New Deal Process’, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad ku saabsan qiimaha ay leedahay mideynta deeqaha.

5/14/2013 10:37 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) —Xukuumadda Somaliland, ayaa si weyn uga so horjeedsatay soo wareejinta cashuuraha hawadda sare ee Soomaaliya laga qaado ee loo soo gacangaliyey dawladda Soomaaliya.

5/14/2013 10:31 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamacadaha dalka, waxaanu uga waramayey xaaladda guud ee dalka iyo qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

5/14/2013 2:15 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegtay inay xoojinayso dagaallada ay kula jirto ciidamadan, waxaana ay ka hadleen ciidamadii AMISOM ee lagu dilay gudaha Soomaaliya.

5/14/2013 1:52 AM EST
Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Dagaal muddo koobban socday ayaa ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 30-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, dagaaalkaas oo ay Al-shabaab ku soo qaadday fariisimo ay deegaankaas ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.