3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Dagaal Beeleedyo Khasaare badan geystay oo ka dhacay Deegaan ku dhow Degmada Mandheera ee Dalka Kenya

Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal u dhexeeya laba beelood oo shalay ka dhacay deegaanka Raamo oo ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu sababay in deegaanka qaybo ka mid ah ay burburaan dadkii ku noolaana ay isaga barakacaan, waxaana dagaalkan uu salka ku hayaan dagaallo la xiriira dhul daaqsimeed horay u dhexmaray beelahan.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa sheegay in beelahan dgaalamaya oo Soomaali ah horay loo dhex-dhigay heshiis nabadeed balse ay ku dhaqmi waayeen, haddana dib dambe loo fariisin doono.

”Ciidammo booliis ah ayaan u dirnay deegaanka uu dagaalku ka dhacay, xabbadiina way joogsatay, balse weli xiisado ayaa jira,” ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska Mandheera isagoo sheegay inay ka hortagyaan xabbad kale oo dhacda.

Beelahan ayaa la sheegay inay isku haystaan dhul, iyadoo dagaal beeleedyada ka dhaca dalka Kenya ay intooda badan salka ku hayaan is-qabqabsi dhinaca dhulka ah, waxaana dagaalkan uu noqonayaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Kenya soo mara.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu saameyn weyn ku yeeshay deegaanka, iyagoo maamulka gobolka iyo kan Mandheera ku eedeeyay inay dayaceen deegaanka, taasina ay keentay inay dagaalladu soo laabtaan.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkan ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka degmada Mandheera halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo degmada dhexdeeda si aad ah looga hadal hayo dagaalka ka dhacay Raamo iyo khasaaraha uu geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/11/2013 4:33 PM EST
Sabti, May 11, 2013(HOL)—Waxaa maalintii labaad ka socda xarunta International Coffee Organization shir looga hadlayo hawlaha ay AMISOM ka waddo Soomaaliya iyo sida ay qurba joogta soomaaliyeed uga faa,ideysan karaan fursadaha shaqo iyo sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.

5/11/2013 2:27 PM EST
Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay dood aad u xiisa badneyd ee lagu falanqeynayey arrimaha la xiriira Federalka Soomaaliya. Doodaada ayaa waxaa ka qayb-galay: Prof. Axmed I Samatar, Dr. Abdinur Sheekh Mohamed iyo Dr. Hodan Ciise

5/11/2013 12:21 PM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Xarunta SWDC (Somali Women Developments Center ayaa waxay maanta ku wareejisay deeq isugu jirta qalab waxbarasho iyo mid caafimaad ku wareejisay maanta oo Sabti ah wasaarada adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, waxaa deeqdan ay ka mid timid dadka Mareykanka, taasoo ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan Soomaaliya.

5/11/2013 8:49 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Somalia Jen. C/kariin Daahir Siciid (Saacid) oo toddobaad ka hor loo magacaabay xilkan ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilkiisa, waxaana xafladdii lagu wareejinayay xilka ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiya maxkamadda sare, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf iyo wasiirka arrimaha guddaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

5/11/2013 8:34 AM EST
Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Hay’adda UN-OCHA oo isku-dubaridka gargaarka bani’aadamnimo u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in daad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya ay dileen toddoba caruur ah, 50,000 oo kalena ku qasbay inay guryahooda ka barakaac, sidoo kalena ay u baaba’een daadadkaas 6,400 oo hektar oo dhul-beereed ah.

5/11/2013 8:28 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Wsaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa sheegtay inay ogolaatay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta.

5/11/2013 2:26 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeysa degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose ayaa saakay ku dhaqaaqay shaqo-joojin, kaddib markii ay sheegeen in isbaarooyin fara badan lasoo dhigtay waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka.

5/11/2013 2:04 AM EST
Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia iyo laba qof oo rayid ah ayaa xalay ku dhintay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, kaddib shaqaaqooyin is-daba socday oo xaafaddaas ka dhacay.