4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Faahfaahin ku saabsan Heshiis ay Dowladda Federaakla Somalia la saxiixatay Culumaa'uddiinka Ahlusnna Waljamaaca

Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna Waljamaca ayaa shalay kala saxiixday heshiis qodobbo badan ah, kuwaasoo ay si wadajir ah u saxiixeen mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

Haddaba qodoobbada heshiiska ayaa waxay kala ahaayeen sidan:

  1. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay ammaan iyo bogaadin u soo jeedineysaa halgankii dheeraa ee ay soo galeen Ahlussuna Waljamaaca waxuuna noqon doonaa mid taariikhi ah.
  2. In si waafaqsan dastuurka iyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee maamul sameynta iyo federaaleynta dalka laga hirgeliyo maamul goboleed gobolada dhexe, kadib marka ay soo dhameytiranto wixii hindise sharciyadeed ah ee Dastuurku dhigayo.
  3. In dhamaan ciidamada Ahlsusunna, hubkooda iyo gaadiidkooda dagaal lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo ka mid noqonaya ciidamada qalabka si ay u helaan xaquuqdooda ciidannimo.
  4. In laga bixiyo kharashaadkii iyo deymihii Ahlusunna ku galay dagaalkii ay ku kua jirtay Al shabaab, kharashkaas oo dhan shan milyan oo doollar, waxaana la isla gartay in jadwal taariikheysan iyo guddi farsamo loo saaro qaabkii deymahaas loo bixin lahaay.
  5. Dowladdu waxay la wareegeysaa maamullada degmooyinka gobolada dhexe ee Ahlusunna gacanta ku heyso, kuwaasoo si toos ah u hoos imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan.
  6. Dowladdu in daryeel u fidiso agoontii iyo naafadii ku wax yeeloobay halgankii dheeraa ee Ahlusunna uga xoreeysay degaanada gobolada dhexe kooxda Al-shabaab.
  7. Dhaqangelinta iyo dabagalka heshiiskan waxaa loo saarayaa guddi farsamo oo labada dhinac ah muddo labo toddobaad gudahood ah oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiskaas la kala saxiixdo.

Heshiiskaan waxaa u saxiixay dhinacyada.

  1. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
  2. Cabdi Cali Fiidoow, Guddoomiyaha golaha Fulinta maamulka Ahlu suna Waljamaaca
  3. Waxaa goobjoog ka ahaa:
  4. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu suna Waljamaaca.
  5. Sheekh Cumar Shiikh C/qaadir, Guddoomiyaha golaha Talada maamulka Ahlu suna Waljamaaca.
  6. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra'iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya