4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Waxgaradka Degmada Xuddun ee Gobolka Sool oo dhibaatooyinka ka Taagan Degmadaas ku eedeeyay Somaliland

Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Waxgaradka degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa si aad ah uga dayriyay xaaladda nololeed ee dadka ku sugan degmadaas oo marba marka kasii dambaysa sii xoogaysanaysa, kaddib xiisad colaadeed oo dhexmara ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ee isku-horfadhiya deegaankaas.

Kulan ay waxgaradka, aqoonyahannada iyo ganacsatadu yeesheen oo lagu gorfaynayey xaaladdaas ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha waxbarashadda degmada Xuddun, Hurre Hiirad Liibaan isagoo sheegay inay waxbarashada dadka deegaanka dhibaatooyin ku hayaan dagaallada soo noq-noqonaya.

Hurre wuxuu sheegay arday badan oo wax-ku baran-jiray deegaanka ay ka tageen kaddib markii qoysaskoodii ay ka barakeceen halkaas qaar kalena uu soo gaaray dhaawac dhinaca maskaxda ah kuwaasoo awoodi waayay inay sii wataan waxbashadda khaasatan dugsiyada hoose. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay mar kasta oo ay maqlaan xabad dhawaqeed ay fasaxaan ardayda si ay u kala fogaadaan isla markaana ay waalidiintooda u weheshadaan.

Faraax Bille Cali oo ka mid ah ganacsatada degmadaas ayaa isaguna qeexay dhibaatadda ganacsi ee dagaalkaasi ku keenay ganacsatadii deegaanka ku noolayd oo qaarkood ay isaga guureen, halka kuwo kalena ay weli joogaan.

"Waxa sida aadka ah noo waxyeelleeyay BANDOW innagoo badeecad ama xoolo wadna oo qarash garownay ayaa la odhanayaa ma jiro gaadiid soconaya," ayuu yiri Farxaan Bile oo hadalkiisa ku daray: “Waxaanu muddo dheer u adkaysanaynay dhibaatadaas balse hadda way soo korortay.”

Odayaal goobtaasi ka hadlay ayaa waxay dhibaatadda degmadaas ka jirta dusha u saareen maamulka Somaliland oo ay sheegeen inaanay u hayn wax rabitaan ah ayna danaynayaan kuna qanacsan yihiin midowga ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii waxay kusoo gabagabeeyeen baaq ay u dirayaan hay'adaha caalamiga ah in dhibaatada haysatada dadka degmadaas ku nool ay il naxariiseed ku soo eegaan, maadaama aanay kusii jiri Karin dhibaatadan.

Degmadda Xuddun ayaa laga soo billaabo dabayaaqadii sanadkii 2012 oo ciidamo ka socda maamulka Somaliland ay degeen darfyadeeda si joogto ah uga dhacayay dagaallo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Khaatumo kuwaasoo dhibaateeyay boqolaal qof.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool