3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Maydadka Dhallinyaro Toogasho lagu dilay oo laga helay Duleedka Magaalada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo

Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Maydadka laba dhallinyaro ah oo toogasho lagu dilay ayaa laga helay maanta duleedka Koonfureed ee degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilkan iyo cid sheegatay.

Dilka labadan qof ayaa la sheegay inuu dhacay xalay, iyadoo lagu dilay meel laga qodo dhagaxda guryaha lagu dhisto oo ku taalla koonfurta degmada, waxaana jidkooda ka muuqatay rasaas fara badan oo lagu dilay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada ruux ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka, iyagoo sheegay inaan la ogeyn cid wadatay iyo sababta loo dilay intaba, iyadoo falkan uu cabsi weyn geliyay dadka ku nool degmadaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaa socda howlo baaritaanno ah oo lagu raadinayo ciddii falkaan fulisay, markii aan xaqiiqsanno ayaana warbaahinta u soo bandhigi doonnaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada ammaanka ee Balad-xaawo, Cabeey oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Degmada Balad-xaawo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada dowladdu gacanta ku hayaan, iyadoo falalkan oo kale ay dhowr jeer horay uga dhaceen, kuwaasoo ay siyaabo kala duwan u geysteen dhinacyada isku haya gacan ku haynta degmadaas.

Xarakada Al-shabaab oo lagu eedeeyay inta badan falalkii horay uga dhacay degmadaas ayaan weli ka hadlin falkan, iyadoo saraakiisha dowladda ee ku sugan degmaadaas ay ku eedeeyeen Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/22/2013 1:15 PM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hab ama qorshe cusub oo lagu xoojinayo sidii gargaarka lagu bixin lahaa gargaarka ama mucaawinooyinka, taasoo ay shegtay inay kula heshiisay hay’adaha caalamiga ah.

3/22/2013 12:33 PM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdihso kaga dooday adkeyda xiriirka labada dal u dhexeeya, lana xoojiyo wadashaqeynta labada dal.

3/22/2013 12:22 PM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Askari ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal muddo socday oo ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmaray kartool laga galo degmada Marko ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

3/22/2013 3:17 AM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi ku saabasan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan dib u dhiska iyo nabad ku soo celinta dalka ayaa lagu soo gabgabeeyay Muqdisho, iyadoo kulankan ay ka qaybgaleen dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar.

3/22/2013 2:36 AM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamadda Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay mustafurinayaan nin ajanabi ah oo magaaladda Hargeysa ku faafinayey diinta misiixiga.

3/22/2013 2:34 AM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalamka (ICC) ayaa sheegtay inay sii wadayso dacwadda loo haysto madaxweyaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku eedeysan inuu ku lug lahaa rabshado 2007-dii ka dhacay dalkaas, kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxnimo ee xilligaas dhacday,