3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjiraha Dalka Jabuuti u Fadhiya Somalia oo kawada hadlay Xiriirka labada dal

Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdihso kaga dooday adkeyda xiriirka labada dal u dhexeeya, lana xoojiyo wadashaqeynta labada dal.

Wargeys kasoo baxa dalka Jabuuti oo lagu magacaabo La Nation ayaa qoray warkan, iyadoo lagu sheegay in wadahadalku uu ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo aysan jirin war arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya.

“Labada nin waxay kawada hadleen ammaanka magaalada Muqdisho iyo shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee bisha May ee sannadkan ka dhici doona magaalada London ee dalka Britain,” ayaa lagu yiri warka uu wargeysku daabacay.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku ammaanay dowladda Jabuuti ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howgallada lagu soo celinayo ammaanka iyo kaalmada ay ciidamadaas siiyeen dadka Soomaaliyeed ee cudurka shuban-biyoodku uu ku soo ritay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ka howl-galaan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle go’aankiisa ku aaddan inuu kaalin ka qaato nabad soo celinta Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu qayb ka yahay dalalka safaaradaha ka furtay magaalada Muqdisho xilli ay jireen dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/22/2013 1:15 PM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hab ama qorshe cusub oo lagu xoojinayo sidii gargaarka lagu bixin lahaa gargaarka ama mucaawinooyinka, taasoo ay shegtay inay kula heshiisay hay’adaha caalamiga ah.

3/22/2013 12:47 PM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Maydadka laba dhallinyaro ah oo toogasho lagu dilay ayaa laga helay maanta duleedka Koonfureed ee degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilkan iyo cid sheegatay.

3/22/2013 12:22 PM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Askari ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal muddo socday oo ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmaray kartool laga galo degmada Marko ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

3/22/2013 3:17 AM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi ku saabasan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan dib u dhiska iyo nabad ku soo celinta dalka ayaa lagu soo gabgabeeyay Muqdisho, iyadoo kulankan ay ka qaybgaleen dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar.

3/22/2013 2:36 AM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamadda Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay mustafurinayaan nin ajanabi ah oo magaaladda Hargeysa ku faafinayey diinta misiixiga.

3/22/2013 2:34 AM EST
Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalamka (ICC) ayaa sheegtay inay sii wadayso dacwadda loo haysto madaxweyaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku eedeysan inuu ku lug lahaa rabshado 2007-dii ka dhacay dalkaas, kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxnimo ee xilligaas dhacday,