4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Kulan looga hadlay Doorka Dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka Qaadan karaan dib u dhiska dalka oo Muqdisho lagu Qabtay (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Aqoon-is-weydaarsi ku saabasan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan dib u dhiska iyo nabad ku soo celinta dalka ayaa lagu soo gabgabeeyay Muqdisho, iyadoo kulankan ay ka qaybgaleen dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar.

Kulankan ayaa muddadii uu socday waxaa looga hadlay duulinta diyaradaha, cilmiga dhakhtarnimada, wadidda maraakiibta oo loo tababari jira ciidamada badda, iyadoo goobta laga sheegay in dhammaan adeegyadan ay noqdeen kuwo aan dalka ka jirin, loona baahan yahay inay kaalin xooggan ka qaatan soo nooleynta arrintaas arrimahan.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda TOOS FOUNDATION oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha dhallinyarada iyadoo ay ka qaybqaadanayeen dhallinyarada ku nool Muqdisho. Waxaana goobta laga sharraxay qiimaha ay leedahay nabadda haddii laga eego dhinaca wanaagsan, iyadoo macallimiintii casharrada bixinayay ay faah-faahiyeen doorka dhalinta Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalkood.

Dhallinyarada ayaa waxaa lagu dhiirrigeliyay inay ogaadaan in dhallinatu yihiin muraayaddii dalka, iyadoo tusaale loosoo qaatay in dalkii ay si wanaagsan u shaqeeyaan dhalliyaradiisu uu ka horreeyo dalalka kale oo dhan.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed ay xuddun u tahay dhallinyarada oo gabay howshooda iyo in ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda, iyadoo goobta laga sheegay inay ka fikiraan dhallinyarada Soomaaliyeed danta dalkooda iyo dadkooda.

Hay’adda TF oo xarumo ku leh magaalooyinka, Muqdisho, London iyo Nairobi ayaa wuxuu tababarkeedan wuxuu hordhac u yahay tababarro badan oo ay doonayso inay dalka ka fuliso, si ay shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiso inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Mas’uuliyiinta hay’adda ayaa sheegay inay howlo ka wadaan gobollada dalka qaarkood sida Jubbooyinka iyo Banaadir ayna ku baahin doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxa hay’adda TF, Zakariye Cabdullaahi Xasan oo aqoon-is-weydaarsigan ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeeddada laga lahaa barnaamijkan, isagoo yiri: ”Aqoon kororsigan wuxuu ka mid yahay barnaamijyo badan oo ay Toos Foundation u qabaneyso dhallinyarada Soomaaliyeed; waana mid lagu baranayo sidii dhallinyaradu uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda iyo sidii ay nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka hooyo.“

Ugu dambeyn, madaxa hay’addu waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in xoogga ay saarto barnaamijyada fursadaha shaqo loogu abuurayo dhallinta Soomaaliyeed ee kasoo baxay jaamadaha iyo kuwa kale ee bartay xirfadaha ay ku shaqeystaan si ay u gaaraan mustaqbalka isku filnaasho dhinac walba ah.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya