4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 22, 2013
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC oo shaacisay inay sii wadayso Dacwadda loo haysto Uhuru Kenyatta

Jimco, Maarso 22, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalamka (ICC) ayaa sheegtay inay sii wadayso dacwadda loo haysto madaxweyaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku eedeysan inuu ku lug lahaa rabshado 2007-dii ka dhacay dalkaas, kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxnimo ee xilligaas dhacday,

Xeer-ilaaliyaha ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in dacwadda loo haysto Kenyatta ay sii socon doonto, balse ma aysan sheegin xilliga lagu la qaadi doono.

"Kama noqon doonno sii wadista eedeymaha loo haysto Kenyatta," ayay tiri Bensouda, iyadoo intaa ku dartay in hadal uusan ka taagnayn sii socodka dacwadda, balse uu markii horeba muran ka taganaa xilliga dacwadda la qaadi doono, taasna go’aan laga gaari doono.

Madaxweynaha cusub ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Rutto iyo wariye Joshua Arap Sang ayaa lagu soo eedeeyay inay galeen dambiyo ka dhan bani’aadamnimada, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen rabshado ka dhacay Kenya oo ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

Sidoo kale, Bensouda ayaa waxay xuukumadda Kenya ku eedeysay inaysa si wanaagsan ugula shaqeyn sidii eedeymahan loo xaqiijin lahaa, iyadoo xustay inay jiraan cabsi-gelin lagu hayo markhaatiyaashii la maxkamadda hor imaan lahaa.

"Kenya waa xaaladdii ugu dhibka badnayd ee uu xafiiskeenu ka shaqeeyo," ayay tiri xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, oo intaas ku dartay in dacwadahan ay sii socon doonaan.

Qareennada u doodaya Kenyatta ayaa Isniintii dadaal u galay sdii ay ICC-da uga laaban lahayd dacwadda, kaddib markii ICC-du si risami ah u joojisay dacwad loo haystay madaxii hore ee shaqaalaha dalka Kenya Francis.

Uhuru ayaa sheegay markii uu ku jiray tartanka doorashada madaxnimo ee dalka Kenya inuu is-difaaci doono, uuna howlaha dalka Kenya sii wadi doono haddii xilka madaxnimo loo doorto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya