4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Weerar Ismiidaamin ah oo lala Beegsaday Saldhig Ciidamada Dowladdu ay ku lahaayeen Gudaha Suuqa Bakaaraha

Khamiis, Maarso 21, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qofka dhintay ayaa ahaa ruuxii qaraxa ismiidaaminta ahaa sameeyay iyadoo dadka dhaawacmayna ay ku jireen laba gabdhood oo middood ay shaah ku iibinaysay meel ku dhow saldhigga la weeraray.

“Weerarku wuxuu u muuqday mid qorsheynaa, waxaa fuliyay wiil dhallinyaro ah oo hilibihiisa aan meesha ku arkay, sidoo kale waxaan arkay dhaawaca saddex qof oo uu ku jiray taliyihii saldhigga,” ayuu yiri goobjooge meel aad ugu dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Taliyaha dhaawacmay ayaa lagu magacaabi jiray Sokor, waxaana dhaawiciisa loo qaaday isbitaallada Muqdisho halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo haweenkii iyagana dhaawacmay markiiba goobta laga qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa furay rasaas badan inkastoo aysan jirin khasaare kasoo gaartay dadka shacabka ah, iyadoo saraakiisha dowladdu ay dusha kasaareen mas’uuliyada weerarkan Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan Al-shabaab weli ka hadlin weerarkaas.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Isniintii lasoo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah oo dilay in ka badan 10-qof uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Muqdisho, kaasoo lagu weeraray taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah goobta ugu weyn ee ganacsiga Koonfurta Soomaaliya, iyadoo weerarkan uu baqdin weyn geliyay ganacsatada ka shaqeysta suuqa, iyadoo suuqan ay horay uga dhaceen falal dilal ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya