4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2013
Wafdi sare oo uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la Filayo inuu Booqdo Magaalada Kismaayo

Khamiis, 21 Maarso, 2013(HOL) - Wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa la filayaa in uu dhawaan soo gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan masuuliyiinta shirka maamul u sameynta Jubooyinka.

Gudoomiyaha gudiga Farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka C/qani Cabdi Jaamac oo hadal ka jeediyay shir ay maanta isugu yimaadeen ergada ka qeybqaadaneysa shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in 23-ka bishan la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sheegay in ay wadaan diyaargarow ku aadan soo dhaweynta wafdigaasi, isagoona xusay in wafdiga ra’isul wasaaraha uu ka qeybqaadan doono howsha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka.

“Waxaa aad iyo aad farxad weyn inoogu ah in labada maalmood ee soo socoto uu inoo iman doono ra’isul wasaarihii dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wuxuuna noogu iman doonaa halkan booqasho, waan u diyaargarooweynaa, waan soo dhaweyneynaa, waana nin reer Jubbaland ah,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Arinta ku aadan imaatinka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa siweyn looga hadal hayaa magaalada Kismaayo, waxaana ay dad badani aaminsanyihiin in imaatinka wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya uu wax weyn ka badali doono kala duwanaashihii xaga fikirka ee arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore wufuud kala duwan usoo dirtay magaalada Kismaayo, haseyeeshee wafdiga ra'isul wasaaraha ayaa hadii uu yimaado wuxuu noqon doonaa wafdigii ugu cuslaa ee ka socda dowladda Soomaaliya oo soo gaara magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online.
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya