4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku ridday Eedeysanayaal lagu helay damiyo kala duwan (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku ridday xukunno kala duwan lix ruux oo ka mid ahaa 12-qof oo maxakamada maanta la horkeenay, kuwaasoo eedeysnaa dambiyo isugu jira, kufsi, dilal iyo burcadnimo.

Halka ay dacwaddu ka dhacaysay oo ahaa hoolka weyn ee maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa ehellada eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenay iyadoo guddoomiyaha maxkamadda uu ku dhawaaqay in lix ka mid ah dadkaas dib loo dhigay dacwaddooda, lixdii kalena xukunno ku ridday.

Guddoomiyha maxkamadda gobolka banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xukunka eedeysanayaasha lagu helay dambiyada, kuwaasoo kala ahaa:

Cali Muuse Goomeey, Daa’uud Abuukar Maxamed iyo Xasan Maxamed Gacal ayaa lagu xukumay min 13-sano oo xabsi ah iyo min 13–milyan oo ganaax lacageed ah, kuwaasoo lagu helay eedeymo burcadnimo ah.

Saddex ruux ee kale ee la xukumay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1.   Cabdalla Maadeey Madxamed oo lagu xukumay laba sano oo xabsi ah iyo inuu bixiyo 100 halaad oo diyo ah, kaddib markii lagu helay inuu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Cabdnuur

2.   Maxamed Axmed Cadde oo lagu xukumay sideed sano oo xabsi ah iyo sideed milyan oo ganaax ah, kaddib markii lagu helay inuu isku dayay inuu kufsado gabar lagu magacaabo, Xabiibo Maxamed Hilowle isla markaana uu gaarsiiyay nabarro.

3.   Maxamed Cismaan Cameey oo lagu xukumay laba sano oo xabsi ah iyo inuu bixiyo diyada marxuum oo horay u dilay oo lagu magacaabi jiray, C/rashiid Maxamed Xaashi.

Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa markii xukunka uu dhacayay xeer ilaaliyeyaasha maxkamadda iyo markhaatiyaashii eedeysanayaasha ku mar-qaati furayay. Sidoo kale, waxaa joogay qareennadii u doodayay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya