4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Ururka Bisha Cas oo Shahaadooyin ku Guddoonsiiyay Degmada Laascaanood Arday Bartay Culuun kala duwan (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 260 arday oo bartay maaddooyinka caafimaadka iyo kambiyuutarka ayaa lagu qabtay xarunta Bisha Cas ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxa ururka Bisha Cas ee gobolka Sool, Daakir Maxamuud Warsame oo ugu horreyn ka warbixiyey xafladda ayaa sheegay in ururka Bisha Cas markii hore ay bixin jireen barashada  gargaarka deg-dega ah; balse ay haatan kor u qaaday oo gaarsiisay illaa heer ah inuu qofku awoodi karo inuu howlo badan bulshada u qaban karo.

Daakir wuxuu intaas ku daray in sanadba sanadka ka dambeeya ay soo kordhayaan ardayda ay waxbaraan taasina ay tahay tallaabo faa’iido badan u soo hoyn karta bulshada reer Laascaanood iyo kuwa kale ee gobolka ku nool.

Dr. Cabdi Ruush oo ku hadlayay magaca bahda caafimaadka ayaa wuxuu u soo jeediyay dhalinta waxbarashada dhameystay inaysan ku ekaan intan ee ay kasii kordhistaan, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata raaciyay inay jiraan dhibaatooyin badan oo dadka waxbaranay haysta taasoo uu ku tilmaamay dhinaca akhlaaqda oo inta badan halkii la filaayay inay aqoontu wax tarto aanay wax ka bedelin.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatadda gobolka Sool, Cabdirisaaq Axmed Warsame oo munaasabadda ka hadlay ayaa isagana u mahad celiyey ururka Bisha Cas oo uu sheegay inay yihiin mutadawiciin wax-soo-saar wanaagsan u hel bulshada, isla markaana wuxuu ardaydii dhamaysatay waxbarashada ku booriyay inay sii wadaan kor u qaadidda aqoontooda.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan oo isagana ka hadlay goobta ayaa soo-jeedieyay ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in markii lasoo bedelay gobolka Sool bishii aan soo dhaafnay uu arkay dadaal  badan oo dhinaca waxbarashada ah, isagoo intaas ku daray baaq uu u soo jeediyay hablaha oo uu ka codsaday inaanay dayicin waxbarashada xitaa haddii ay guursadaan.

Ugu dambeyn, ardaydii dhameystay waxbarashada ayaa waxaa halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyadoo intii u horreysay uu gacanta ka saaray guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan.

Si kastaba ha ahaatee ardaydan intaas le’eg ayaa ah tii ugu badnayd ee ka baxda dugsiyada ay maamulaan ururka Bisha Cas ee gobolka Sool, waxaana la filayaa inay sii kordhaan iyadoo kumaannaan kun oo qof oo aan awoodin inay bixiyaan lacagaha qaaliga ah ee dugsiyada gaarka loo leeyahay dadka wax ku baraan ay kusoo wajahan yihiin, waxaanse laga war-hayn sida uu u daboobil doono ururkan baahidaas jirta.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool