3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Ururka Midowga Yurub oo sheegay in howsha Tababbarka Ciidamada Somalia si dhaqso ah loogu Wareejinayo Muqdisho

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhaqso badan ugu rarayaan howsha tababaridda ciidamada Soomaaliya gudaha magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaasoo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.

Madaxa howgalka tababarka ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, Bri-Jen. Gerald Aherne ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium in howsha tababarka Uganda ee ciidamada Soomaalida ah loo wareejin doono Muqdisho.

Balse wuxuu sheegay inay u baahan yihiin saddex arrimood oo kala ah: inay saraakiisha tababarka bixiaya ay helaan fursad nabadeed oo ay ku shaqeyn karaan, qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo Muqdihso la geeyo iyo weliba iyo dawooyin.

“Waxaan ku rajo weynnahay inaan dhammaan waxyaabaha aan dalbanay aan heli doonno,” ayuu yiri Jen. Aherne. Isagoo xusay in wax wanaagsan ay tahay in ciidamada Soomaaliya lagu tababaro wixii hadda ka dambeeya gudaha dalkooda.

Howsha ay Midowga Yurub ku tabarayaan ciidamada Soomaaliya ayaa waxay socon doontaa illaa bisha Maarso 2015, taasoo ay isku raaceen dhamaan xubnaha EU-da oo shir ku yeeshay xaruntooda Belgium.

Tababarka ciidamada Soomaalida ee uu bixinayo Midowga Yurub ayaa waxaa lasoo billaabay sannadkii 2010, iyagoo tababaray 3,000 oo askari oo hadda ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay in cunno-qabteynta hubka laga qaado si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qalabka sida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/1/2013 12:08 PM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan ururka Al-shabaab ayaa maanta ku dilay deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay ganacsade lagu magacaabi jiray, Aadan Shariif, kaddib markii ay kala dageen gaari uu la socday.

3/1/2013 11:57 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukunno dil ah ku ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo horay u geystay dambiyo kala duwan oo ay ku jiraan dilal.

3/1/2013 11:10 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah 135-tii oday dhaqameed ee soo xulay xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kulankooda kaga hadlay xaaladda uu dalku marayo, dagaalladii Jubbooyinka xildhibaanno la sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda iyo waxqabadka dowladda Soomaliya inta ay jirtay.

3/1/2013 9:45 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido oo lagu magacaabo Indian Ocean iyadoona qaraxyadaasi ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

3/1/2013 9:09 AM EST
Jimco, March 01, 2013(HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka qaybgashay shir ay yeesheen qaar kamid ah wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

3/1/2013 8:58 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horeeysay sheegay in xukuumadiisu ay kasoo horjeedo habka uu u socdo shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee maalinimadii shalay ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

3/1/2013 2:36 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Qiimaha Shiidaalka, gaar ahaan Naaftadda ayaa qiimahoodii kor u kacay Somaliland, taas oo keentay in gaadiidleydii magaaladda u kala gooshta iyo shirkadihii Laydhka ku hanjabaan inay qiimaha ay dadka ka qaadi jireen ku kordhin doonaan shacabka haddii aan wax laga qaban.

3/1/2013 2:33 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Bannaabax looga soo horjeedo doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti iyo siyaasiyiinta lagu xir-xiray dalkaas ayaa lagu qabtay magaalada Ottawa. Bannaanbaxaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay jaaliyadda reer Jabuuti ee ku nool magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

3/1/2013 2:16 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Bandhig faneed ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo loogu talo-galay in dhaqaalaha kasoo baxa lagu caawiyo caruurta darbiyo jiifka ah ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

3/1/2013 2:14 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ciidamadda sida gaar ah u tobabaran ee loo yaqaan RRU-da oo ay wehelinayaan ciidamadda sirdoonka Somaliland, ayaa habeen hore xilli dambe baadhitaan xoogan ku sameeyey guryo shacab ah oo ku yaala degmadda 26 june ee magaaladda Hargeysa.

3/1/2013 1:57 AM EST
Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Gabdho Soomaliyeed oo wax ka barta dlaka Suudaan ayaa soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida oo ay ku jiran habka cunno-karinta, fanka iyo sidoo kale dharka ay Soomaalidu xirntaan.