4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Ciidamada Ammaanka Somaliland oo Saqda Dhexe Habeenkii Baaritaanno ka sameeya Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ciidamadda sida gaar ah u tobabaran ee loo yaqaan RRU-da oo ay wehelinayaan ciidamadda sirdoonka Somaliland,  ayaa habeen hore xilli dambe baadhitaan xoogan ku sameeyey guryo shacab ah oo ku yaala degmadda 26 june ee magaaladda Hargeysa.

Qoysaska ku nool labaddaasi guri ee la baadhay, ayaa sheegay in xilli dambe goor ay hurdeen ay ciidamadda RRU-da usoo daateen, kuwaas oo argagax galiyey haweenkii iyo caruurtii ku noollaa guriga, isla markaana aanu ciidanku  sidan oggolaansho maxkamadeed oo u fasaxaya inay galaan guryo shacab oo la hurdo wakhti habeennimo ah.

Nimco Ibraahim Axmed oo ka mid ah qoyska gurigan la baadhayey ayaa sheegtay inay khaati ka taagan yihiin ciidamadan amaanka oo dhawr jeer oo hore goor habeen usoo daateen gurigeeda, isla markaana uu wali xidhan yahay walaalkeed oo dhowaan la xidhay, ilaa hadana aan maxkamad la hor keenin,  waxa kale oo ay sheegtay in dhibaato badan soo gaadhsiiyeen agabkii guriga dhexyaalay iyo albaabkii guriga oo ay jajabiyeen marka ay soo dhacayeen, isla markaana waxay sheegtay inay baadheen ilaa silliga sare guriga.

Sidoo kale, waxay Nimco sheegtay in markii ay guriga guud ahaan ay baadheen ay qaateen saddex mobil oo guriga yaallay, wax kale oo ay guriga ka kaxaysteen nin oday ah oo la yidhaa Aadan Yuusuf Dhego cadde oo xanuunsanayey, isla markaana uu ciidanku garaaceen ka dibna xabsiga u taxaabeen.

Sidoo kale, ciidankan waxa kale oo uu u daatay guri kale oo gurigaasi la jaar ah, isla markaana si weyn u galalafeen, waxaanay gurigaasi kale ka kaxaysteen wiil yar oo 19 jir ah oo magaciisa la yidhaa  Khadar Aw Cali.

Qoysaskan jaarka ah ee habeen hore baadheen ciidanka gaarka u tobabarani ayaa sheegay in dhibaato ka soo gaadhay guriga, isla markaana haweenkii iyo caruurtii huruday ay sas ka qaadeen awooda loo adeegsaday hawlgalkaasi ay ku baadhayeen, kuwaas oo dadkii guriga joogay aanay u sheegin waxay ka baadhayaan iyo ujeedada ka dambaysa badhitaankooda.

Si kastaba ha ahaatee, ciidankan loo yaqaan RRU-da iyo ciidanka sirdoonka ayaa si wada jir ah xilliyada dambe xoog ku galla guryaha shacabka wakhtiyadda dambe, iyadoo muddooyinkan dambe magaladda Hargeysa ka jireen hawlgalo balaadhan oo lagu baadhayo guryaha iyo gaadiidkaba, isla markaana dad aad u faro badan laga soo xidhay, iyadoo qaarna markii wax lagu waayey la iska siidaayey, halka qaar kalana wali xabsiyada lagu hayo oo la baadhayo. Haseyeeshee wakhtiyadan ay ciidankaasi guryuhu soo dhacayaan ayaa ah wakhti la hurdo, kuwaas oo si argagax ah  u baadhaya guryaha, isla markaana jajabinay agabka yaal iyo albaabadda guryaha, waxaanay inta badan dadweynaha hawlgalkaasi lagu fuliyey ay si weyn uga cabanayey dhibaatadda ay ciidankaasi ku hayaan guryahoodda.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland