4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Dagaal culus oo ka Qarxay Bartamaha Magaalada Kismaayo

Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay goor-dhow bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, dagaalkan oo daba socda dagaalkii shalay.

Dagaalka ayaa wuxuu ka billowday Via-Afmadow oo ka tirsan xaafadda Calanley, waxaana dagaalkan uu qarxay kaddib markii ciidamada Axmed Madoobe ay weerar ku qaadeen ciidammo uu hoggaaminayo mid ka mid ah raggii madaxweynayaasha sheegtay oo lagu magacaabo, Iftiin Xasan Baasto.

Wariyaha HOL ee Kismaayo, Xasan Nuur ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay mid ka culus kii shalay ka dhacay Kismaayo ayna dhinacyadu isku adeegsanayaan hub ay ka mid yihiin madaafiicda culus.

“Magaalada oo dhan waa faaruq waxaa ku hardamaya ciidamada iska soo horjeeda, dadku waxay ku jiraan guryahooda, xaaladduna waa mid aad u culus,” ayuu yiri wariyaha HOL ee Kismaayo Xasan Nuur.

Afhayeenka ururka Raaskambooni, C/naasir Seeraar ayaa xalay u sheegay BBC-da inay u qorsheysan tahay inay dagaalka soo af-jarayaan maanta oo Sabti ah, isagoo sheegay in ciidamada ay la dagaalamayaan ay yihiin kuwo ay hubeysay dowladda Soomaaliya.

Laakiin dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in dagaalka la joojiyo wax walba oo khilaaf ahna lagu dhameeyo nabad, iyadoo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay labadaba cambaareeyeen dagaalkaas.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ka duwan sidii shalay, waxaana ay xilligan u muuqataa inay cagaha la gashay colaad ku saleysan sad-bursi dhinaca awoodda ah oo ay isku hayaan rag sheegtay inay madaxweynayaal ka yihiin maamulka Jubaland.

Ma jiro mas’uul ka tirsan labada dhinac ee dagaalamaya oo ka hadlay dagaalka saakay dib uga billowday Kismaayo, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo oo ah mid aad u xoog badan.

Wixii faahfaahin ah waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya