3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2013
Xarakada Al-shabaab oo Toogatay Wiilal Dhallinyaro ah oo ay ku Eedeysay inay basaasiin u ahaayeen Dowladda iyo AMISOM

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba wiil oo da’yar ah ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose khamiistii shalay ahayd, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Garsooraha maxkamadda Al-shabaab, Sheekh Cabdulxaq ayaa sheegay inay labada wiil oo dhallinyarada ah ku heleen inay basaasiin u yihiin ciidamada AMISOM, dowladda Soomaaliya iyo shirkado ka howgala Muqdisho, ayna ku xukumeen dil toogasho ah.

“Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo wajiyada qarsaday ayaa barxad ku taalla degmada Baraawe ku toogtay labadan dhallinyarada ah,” ayuu yiri mid ka mid ah boqolaal dad ah oo goobta ku sugnaa, isagoo sheegay in labadaba rasaas lagu dilay.

Ruuxan goobjooga ah oo magaciisa u qariyay sababo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegay in labada wiil oo wajiyada maro looga xiray kaddibna rasaas lagu furay illaa ay ka dhintaan, taasoo ay dad badan ka naxeen.

Labada wiil oo da’dooda lagu sheegay 24-jiro ayaa waxaa macyadooda lagu kala sheegay: Fu’aad Nuur Calasoow oo la sheegay inuu ka tirsnaa sirdoonka dowladda Soomaaliya uuna howlo jawaasiisnimo ah u joogay Baraawe iyo Cali Xuseen Wiil oo isagana la sheegay inuu xubno Al-shabaab ka tirsan u gacan-geliyay ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in labadan wiil ay ka kala howlgalayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyo Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye oo uu ay marto waddada isku xirta Muqdisho gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay dilaan dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya, AMISOM, Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/7/2013 4:18 PM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqay inay si dag-dag ah u joojiyaan dagaalka, ayna xal iyo nabad ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

6/7/2013 3:22 PM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Waxgarad iyo siyaasiyiin maanta ku shiray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa sheegay in reer Hiiraan ay taageersan yihiin dowladda, iyagoo xusay inay raalli-gelin ka bixinayaan hadalkii dhawaan kasoo yeeshay xubno ka tirsan reer Hiiraan oo ku shiray magaalada Baladweyne.

6/7/2013 12:37 PM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

6/7/2013 11:31 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay inuu aad iyo aad uga xumaaday dagaal maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, isagoo baaqay in si deg-deg ah lagu joojiyo colaaddaas, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

6/7/2013 11:01 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Olole nadaafadeed oo ay iska kaashadeen qaar ka mid ah ardayda wax-ka-barta magaalada Laascaanood, dowladda hoose iyo ganacsatda ayaa lagu nadiifiyay deegaanno muhiim u ah bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

6/7/2013 10:29 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxa dagaal maanta ku dhexmaray bartamaha magaalada Kismaayo maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersanaa mid ka mid ah raggii ku dhawaaqay inay madaxweynaha ka yihiin maamulkii looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland.

6/7/2013 8:40 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday beesha calaamka iyo Qaramada Midoobay inay xoojiyaan hanaanka nabadda dalka Soomaaliya iyo dib u dhiskiisa, si ay uga baxdo mashaakilaadkii ay ku jirtay 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

6/7/2013 8:01 AM EST
Jimco, June 07, 2013(HOL) :- Dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoona dagaalkani uu u dhexeeyay ciidamo beeleed taageersan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Kismaayo garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

6/7/2013 7:29 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa maanta danjire cusub u soo magacowday arrimaha dalka Soomaaliya, kasoo bedeli doona danjirihii hore ee dalka Britain ay u magacowday, Matt Baugh.

6/7/2013 7:05 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada gobolka Bay ee gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa ku dhaawacmay weerar maanta ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo weerarkaas lagu dilay darawalkiisii.

6/7/2013 6:54 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay laba wiiil oo Soomaali ah oo isla dhashay ku dilay baangado iyo midiyo kaddib markii ay ku weerareen dukaankooda oo ku yaalla deegaanka Balamalango oo ka tirsan gobolka Limbombo oo ku yaalla soohdinta dalalka Koonfur Afrika iyo Mozambique.

6/7/2013 6:18 AM EST
Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa xalay si kadis ah loo arkay isagoo ka soo qaybgalay daawashadda tartanka ciyaaraha baasketka ee Garoonka Timadda Cadde ka socota oo ay ku dheelayeen labadda gobol ee Maroodi jeex (Hargeysa) iyo Sanaag.