4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Dooni Laga Leeyahay Dalka Hindiya oo Laga Afduubtay Meel 20 Mayl u Jirta Dekedda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa dooni laga leeyahay dalka Hindiya ka qabsaday gelinkii hore ee shalay meel 20 mayl u jirta dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Doonidan oo lagu magacaabo Shaahi Al-Nuuri, ayaa Boosaaso ka qaaday 596-neef oo lo' ah, iyadoo ku wajahneyd magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qadar.

Maxamed Xasan Beeldaaje oo ah ganacsadaha iska leh xoolaha ay doontu siddo, ayaa mar ay shabakadda HOL khadka telefoonka kula xiriirtay sheegay, in naakhuudaha doontu uu lasoo xiriiray waxyar kahor intii aysan burcad-badeeddu doonta si buuxda gacanta ugu dhigin.

Wuxuuna intaas raaciyey isla durbadiiba ay arintan ku wargeliyeen ciidamada badda Puntland; si ay uga daba tagaan, haseyeeshee ilaa iyo hadda aan la ogeyn dhanka ay burcad-badeedku doontaas ula dhaqaaqeen.

Doonta Shaahi Al-Nuuri oo ay saaran yihiin shaqaale u badan Hindi ayaa ka shiraacatay dekedda magaalada Boosaaso goor hore oo ah subaxnimadii shalay.

Inkasta oo horay dhowr doomood sidan oo kale looga afduubtay meel aan waxbadan ka durugsaneyn dekedda Boosaaso, waxay hadana tani noqonaysaa tii ugu horeysey intiii lagu guda jirey sanadkan 2013.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland,Soomaaliya