4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo Heshiis Dhowr Qodob ka kooban ku kala saxiixday Magaalada Nairobi

xasan-shiikh-Iyo-Uhur.jpg
Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa muddo labo cisho ah wada-hadal ku yeeshay xarunta madaxtooyada Nagana ee gobolka Nyere ee dalka Kenya.

Kulamdan ay yeesheen labada madaxweyne ayaa daba-socday kulankii ugu dambeeyey ee labada madaxweyne ay ku yeesheen Addis Ababa 28-kii May iyo kii ka horreeyey ee ay ku yeesheen magaalada Mombasa ee Kenya, waxayna kulammadoodan kaga hadlayeen labadii maalmood arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga, qaxootiga iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta iyo shacabka Kenya sida ay Soomaalida qaxootiga u soo dhaweeyeen iyo sida ay ciidamada Kenya naftooda ugu hureen dib u xoreynta iyo amni ku soo celinta dalka. Madaxweynaha ayaa tacsi gaar ah u diray labo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee AMISOM oo maanta ku geeriyooday Jubbooyinka, waxuuna sheegey inay u dhinteen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey falalka Al-Shabaab isagoo sheegeyna inay khatar ku yihiin Soomaalia iyo dalalka la dariska ah sida Kenya, isla markaana aysan xambaarsanayn wax diin ah oo dhammaan ay yihiin kuwo kasoo horjeeda bani’aadanimada iyo Islaamka.

Ugu dambeyn labada madaxweyna ayaa isla gartay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

  1. In Shir caalami ah lagu qabto Kenya bisha Ogoosto oo ay wada-shir guddoominayaan Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay si xal loogu helo dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan Kenya. Labada madaxweyne waxey hoosta ka xariiqeen in dib u celinta qaxootiga la waafajiyo shuruucda caalamiga ah oo dhammaan qaxootiga Soomaalida ay helaan xaquuqdooda muhiimka ah si ay dib u dhiska dalka uga qeyb qaataan.
  2. In labada dal ay sameystaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo hirgelin lahaa dhammaan qodobada lagu heshiiyay.  
  3. In labada dal ay iska kaashadaan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.
  4. In dowladda Kenya ay u fidiso shaqaalaha dowladda tababar lagu kobcinayo tayada iyo waayo aragnimada shaqada si dowladda Soomaaliya ay ugu sahlanaato hirgelinta maamul wanaaga.
  5. In labada Madaxweyne ay sii wadaan wadahadalkooda oo ay si joogta ah u kulmaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya