4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Tababar ku Saabsanaa Barashada Xannaanada Xoolaha oo Maanta lagu soo Gabagabeeyay Degmada Laascaanood (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Tababar muddo toddobaad ah u soconayay tababarayaal caafimaad ayaa maanta lagu soo gabgabeeyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ka qaybgalayaashii loo soo xiray tababarka la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo agab caafimaad iyo dawooyin.

Bixinta agabkan ayaa waxaa iska kaashaday hay'adaha VITAID iyo DIA oo hoostagta hayadda deeqda dadweynaha Mareykanka ee USAID iyadoo loogu talogalay in looga faa’iideeyo dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool meelaha miyiga ah ee ka fog magaalooyink, sida uu sheegay Maxamuud Cismaan Ismaaciil oo ah wakiilka hay'adda VITAID.

Isku-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ee gobolka Sool, Xasan Sheekh C/raxmaan oo ka hadlay gunaanadkii munaasabadda ayaa wuxuu si aad ah ugu mahad-celiyay hay'adaha tabarkan iyo agabkii ay ku shaqayn lahaayeen soo gaarsiiyay gobolka, waxaanu kula dardaarmay dadkii tababarkan dhamaystay inay u sheqeeyaan dadkoodii ee aanay khasaarin.

Dr. Ibraahin Maxamed oo ka socday hay'adda DAI ayaa isaguna wuxuu kula dar-daarmay ka qaybgalayaasha tababarka inaysan dayicin wixii ay barteen ayna uga faa’iideeyaan bulshadooda; isagoo xusay dad in horay tabarro loo siiyay aanay waxba bulshada u qaban.

Tabarkan oo mid ka horreeyay oo ay ahayd inay ka faa’iideysteen 50-qof oo loogu talo-galay xannaaneynta xoolaha nool ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor  loogu qaado aqoontooda, inkastoo ay goobtan yimaadeen in ka yar 15-qof oo keliya, waxayna taasi walaac gelisay mas’uuliyiintii  ka socday ha’yadaha gacan ka geysanayay tabbarkan.

Tababarka noocan ah ayaa ah mid faa'iido weyn u leh bulshada ku dhaqan gobolka Sool, maadaama ay dadka deegaankaas ku nool lagu tilmaamo inay u badan yihiin xoolo dhaqato.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool