3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2013
CAYAARAHA SOMALILAND: Kooxda Kubadda Gacanta ee Maroodi-jeex oo 41 dhibcood kaga badiyey Kooxdii Gobolka Hawd

 

Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Waxaa xalay si rasmi ah uga bilowday garoonka kubadda gacanta ee Timadda ee magaaladda Hargeysa wareegii kubadda gacanta (Basket Ball), kaas oo ay iskaga hor yimaadeen xulka gobolka Maroodi jeex iyo xulka gobolka Hawd.

Gobolka Maroodi jeex ayaa ku badiyey 41 dhibcood, halka gobolka Hawdna uu keenay 27 dhibcood, waxaanay guushu raacday gobolka Maroodi jeex.

Sanadkii hore waxa tartamadii kala duwanaa ee goboladda kaalinta kowaad ku soo baxay gobolka Maroodi jeex oo qaatay koobabkii kubadda Cagta, Gacanta iyo orodkaba, haseyeeshee sanadkan lama saadaalin karo maadaama oo goboladda ka qaybgalaya tartanku uu aad u badan yihiin, isla markaana mid waliba ku dadaalayo sidii uu kaalinta kowaad u gali lahaa.

Dhinaca kale, gobolka Hawd ayaa shalay 2-1 ku kaga badiyey xulka gobolka Badhan.

Ciyaarti shalay oo ahayd mid aad u adag xamaasadeeddana wadata, waxay labadda gobolka soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo ismari waa, haseyeeshee daqiiqadihii dambe ayey u suurtogashay inay gobolka Hawd la caraabaan guusha, iyagoo 2-1 kaga badiyey xulka gobolka Badhan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa si rasmi ah wali usocda tartankii goboladda Somaliland, waxaanu gobol kasta isku dayeyaa inuu noqdo xulka koobka qaadi doonna.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/4/2013 8:16 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis ay ku kacayso 15-milyan oo doollar, kaasoo dib loogu dhisayo wasaaradda howlaha guud, isbitaalka Laasareeti iyo machadkii tababarka ee SIDAM, kuwaasoo ku burburay colaadihii sokeeye ee dalka soo maray.

6/4/2013 8:01 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysn ayaa Isniintii shalay ku dilay deegaanka Libooyo ee Kenya laba ruux oo Kenyan ah, kaddib ay weerareen gaari qaad siday oo marayay deegaankaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

6/4/2013 7:32 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Xarakada Alshabaab ayaa ku weerartay dukeedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kusii jeeday fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Goof-guduud Shabeeloow.

6/4/2013 7:10 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxa hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain. Wuxuuna tilmaamay in hawlgalka cusub ee Qaramada midoobey ee Soomaaliya uu kalsooni buuxda siinayo Soomaalida oo dhan.

6/4/2013 6:53 AM EST
Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Putland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayo, kuwaasoo dhowrkii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa shalay kulan la qaatay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan madaxda dalka Kenya.