3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u soo magacowday Soomaaliya oo Muqdisho yimid si uu xilka ula wareego


Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya & Ergayga cusb ee UNSOM


Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta yimid Muqdisho si uu ula wareego xilkiisa ergaygii hore ee Qaramada  Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa xilka u magacaabay bishii hore xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon isagoo ka noqon doona madax xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ay ka furanayso Soomaaliya ee UNSOM.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Muqdisho imaado iyo inaan helo fursad aan ku taageero dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed si dib loogu soo celiyo nabaddii Soomaaliya,” ayuu yiri Nicholas Key markii uu Muqdisho ka soo dagay.

Isagoo sii hadlay ayuu yiri: “Soomaaliya waa dal sharaf weyn iyo taariikh qoto-dheer ku leh caalamka, lehna dhaqan nool iyo qiyam adag. Marnaba ma illaabi doono taas inta aan howshan hayo.”

“Waxaan bogaadinayaa Dr. Mahiga iyo Shaqaalihii UNPOS, kuwaasoo gutay hawshooda, kuna faani kara guulaha ay soo hooyeen. Maanta waxaa billowday waa cusub oo u baryay Qaramada Midoobay iyo UNSOM oo ah hawlgal cusub.”

Mr. Key ayaa sheegay in xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ka furayso Soomaaliya oo dhan uu fursad taariikhi ah u yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Waxayna dadka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin inay wax weyn fishaan.

“Waxaan ku han-weynahay oo aan rajaynaynaa in sannadka 2016 Somalia laga qabto doorasho ay dadku kusoo doortaan madaxda hoggaamin doonta, caqabayada na horyaallana aad ayay u badan yihiin, laakiin waa inaan shaqo badan qabano si aan uga gudubno dhammaan caqabadaha horteenna yaalla.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in maalmaha soo socda uu Muqdisho kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uuna la kulmi doono xubnaha kale ee dowladda, madaxda AMISOM iyo IGAD, bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada kale ee taageera Soomaaliya.

“Waxaan daneynayaa inaan xiriir adag la sameysto dhammaan dadka ka shaqeynaya maslaxadda dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Marka ugu horreysa, shaqaalaheenna waxay saldhig ka dhigan doonaan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Baydhabo, waxaana ka go’an in Soomaalida oo dhan ay la shaqeeyaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ergeyga ayaa hadalkiisa raaciyay: “Aniga shakhsi ahaan waxaan si aad ah u aamin-sanahay hawlgalkan, waxaana ku hanweynahay hawsha bilaha soo socota aan qaban doono.”

UNSOM waa xafiis cusub oo ah hawlgal siyaasadeed ee Qaramada Midoobay, oo hawshiisa billaabay maanta oo ah 03-Juun-2013. Waxaana xilkiisa ka mid ah inuu taageero dhismaha qaranka iyo nabadeynta, xooggana saaro dowlad-wanaagga, dib-u-habeyn hay’adaha ammaanka, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadanaha, dhex-dhexaadinta siyaasadeed iyo isku-duwidda kaalmada caalamiga.  

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/3/2013 12:56 PM EST
Melbourne, June 3 (HOL) - shalayto oo taariikhdu ahayd 2nd June 2013, ayaa waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia kulan ku dhex-maray R/Wasaaraha Australia Julia Gillard iyo R/Wasaarihii hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas.

6/3/2013 12:46 PM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Dad tiradoodu ahayd 10,000 ayaa dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in maxaabiista ku jira xabsiyada Itoobiya lasii daayo ka dhigay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dadkaas ay cambaareyn u jeediyeen xisbiga talada dalkaas haya ee EPRDF.

6/3/2013 11:37 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isla markaana ah sii hayaha xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Key.

6/3/2013 11:26 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Gaadiid sida in ka badan 150 tan oo raashin ah qaybna ka gargaar dowladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Widhwidh oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

6/3/2013 10:56 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay ka shaqeyso badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.

6/3/2013 9:15 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe laba qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ay bishii hore ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya, kaddib markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen xilli habeen ah.

6/3/2013 8:43 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan kula dagaalsanay Kenyan xal u helidda ammaanka iyo dib u soo celinta nabadda Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib.

6/3/2013 3:32 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.

6/3/2013 2:20 AM EST
Waxaa sannad waliba dhammaadka bisha May ku kulma magaalada Ashland ee Gobolka Oregon (USA) cayaartooydii hore ee Kubadda Kulayga uuna marti-galiyo Cabdi Xalwo.