4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE: "Isku dhejin mayno xilka, Dikteytar Maahin, Dastuuri baan nahay"

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo xalay ka khudbadeynayey munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtey markii xilka loo doortay, ayaa soo hadal qaaday arimo badan oo ku saabsan ammaanka Puntland, howlihii shidaal-baarista iyo eedeymaha xiligan xukuumaddiisa uga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxyaabaha uu ku dheeraaday waxaa kamid ahaa dagaalka ay dowladda Puntland kula jirto Al-shabaab iyo weeraro dhowaan xoogagga Al-shabaab ee buuraleyda Golis ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Sugurre.

Wuxuuna intaas raaciyey in weerarrada Al-shabaab ay yihiin kuwo aan  waxba u dhimi Karin ammaanka iyo xasiloonida Puntland, isagoo ku eedeeyey weerarkii dhowr habeen kahor lagu soo qaaday Hotelka Panorama in ay Shabaabku ka danbeeyeen.

“Al-shabaabka argagixisada ah oo ciidamadeena bishan 3-deedii iyo 5-teedii Hotelka jirri ay soo direen ay xabado ku tuurtuureen aysan waxba gaarsiin iyo ciidanka buurta difaaca kaga jira, oo uu ka hadlaayey midkaan Cali-dheere la yiraahdo oo yiri Puntland baan burburineynaa oo ma waxbuu hagran lahaa haduu sameyn karo?” Faroole ayaa yiri.

Madaxweyne Faroole ayaa dhinaca kale ka warbixiyey halka uu ku danbeeyey mashruucii shidaal-baarista Puntland ee dooxada Dharoor, wuxuuna tilmaamay in labadii ceel ee Puntland laga qodayey mid kamid ah shidaal laga helay, haseyeeshee midka kale aan wax natiijo ah laga gaarin.

“Waatii aan ku guuleysney in Batroolkii Puntland lagu sheegay aan keennay Riig, ceelashii labada ahaa ee la qoday mid waxbaa laga helay midkii kale sidii la filaayey waa noqon waayey, hadaad aragteen birtii oo tagtay ha moodinina quus, birtii way soo noqonaysaa”

Mar uu ka hadlayey muranka ka aloosan wakhtiga xukuumadda iyo eedeymaha uga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa hadaladiisii kamid ahaa:

“Isku dhejin mayno, dikteytar maahin xukun maroorsi maahin, dastuuri baan nahay, dastuurkaa aad arkeyseen baan ku joognaa, isagaan fulineynaa, hannaanka axsaabtuna waa dastuuri, hadde xeer shareecada Islaamka waafaqsan hadii la dhigto waa in lagu dhaqmaa”

Afar sano kahor ayey ahayd markii doorasho Baarlamaani ah ay kusoo baxeen madaxweynaha xiligan ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo ku-xigeenkiisa Jen. Cabdisamed Cali Shire.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya