3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Sannadguuradii Afaraad ee kasoo Wareegtay Doorashadii Madaxda Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu qabtay

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sanad guuradii afaraad  ee kasoo wareegtey xiligii la doortay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, islamarkaana muddo 5-saac ka badan socotey ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso.

Xafladda oo bilaabatay abbaare 5:00-tii galabnimo soona gaba gabowdey 10:00kii fiidnimo, waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo uu kamid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, gudoonka baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa marti sharaf isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: Isimada, ururada haweenka, dhalinyarada, culimaa’uddiinka iyo ururada siyaasadda.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay wasiiru dowlaha maamul wanaagga ee Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, wuxuuna faah faahin kooban ka bixiyey qodobada dastuurka ee qeexaya muddada ay xukuumadda hadda jirtaa sii shaqeyneyso iyo sharcinimada lifaaqa Dastuurka ku laran.

Intaas kadib, waxaa goobta khudbado kala duwan kasoo jeediyey mas’uuliyiin tira badan oo isugu jirey madax dhaqameed iyo xubno dowladda ka tirsan, waxayna dhamaantood carrabka ku adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in nabadda iyo xasiloonida la dhowro.

Kooxda hobolada Waaberi Puntland ee uu hogaamiyo abwaan Shube ayaa iyaguna intii ay xafladdu socotey soo bandhigey suugaan ka hadleysey wadaniyadda iyo qiimaha ay nabaddu leedahay isalmarkaana jilay riwaayad laga meteley xaaladda siyaasadeed ee xiligan Puntland ka jirta.

Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo isagu ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay dowladda uu hormuudka u yahay tan iyo markii lasoo doortay bishii Janaayo sanadkii 2009.

Qodobada uu sida aadka ah ugu dheeraaday waxaa kamid ahaa: arimaha dhaqaalaha, ammaanka, geedi socodka Dimuqraadiyadda, warbaahinta iyo qorshaha xukuumadiisa ee ku aadan sanadka 2013.

Xafladan oo ahayd mid balaaran, islamarkaana lagu xusayey sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtey markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo ku-xigeenkiisa ayaa kusoo aadeysa xilli ay dhinacyada mucaaradka ahi sheegayaan in xukuumadda Faroole uu wakhtigeedu ku ekeaa 8-da Janaayo oo ku beegneyd shalay.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
1/9/2013 2:22 PM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Wasiiradda wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada xukuuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabatay Muqdisho, kadidb safaro ay toddobaadyo ku maraysay dalalka Turkiga iyo Tuuniisiya, waxaana la socday wufuud ka socday dowladda Turkiga uu u kuurlgalaya sidii horumarin loogu sameyn lahaa dalka.

1/9/2013 1:43 PM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa weydiistay dowladda Soomaaliya in baaritaan dhab ah lagu sameeyo gacan-ku-dhiigle ku dilay Muqdisho laba shaqaalahooda ka mid ah bishii December ee sannadkii 2011 oo dhawaan xabsiga dhexe ee Muqdisho laga sii-daayay.

1/9/2013 12:36 PM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Munaasabad uu xilka kula wareegayay xoghayaha dowladda hoose ee Laascaanood oo maanta ka dhacday xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, iyadoo xoghayahan uu ka mid ahaa xubihii ku soo baxay doorashooyinkii golaha degaanka ee bishii lasoo dhaafnay ka dhacay Somaliland.

1/9/2013 12:05 PM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxaha burcabadeedda ah ee gobollada dhexe ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xasan [Af-weyne] ayaa maanta kaga dhawaaqay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud in isaga iyo raggii la shaqeynayay ay joojiyeen falalka burcadbdeednimo oo uu sheegay nay ku kalliftay inay tanaasulaan codsiyo dhowr jeer loosoo jeediyay iyo dhibaato ay kala kulmeen burcadbadeednimada.

1/9/2013 11:36 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado qorshayaal uu kusoo celinayo ammaanka guud ee caasimadda, sidoo kalena ay ku duminayaan dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka Muqdisho.

1/9/2013 11:35 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlusunna ee ku sugan gobolka Gedo oo dhawaan ay ka dhaceen dagaallo culus ayaa maanta loo dhoofiyay dalka Itoobiya si loogu soo daweeyo.

1/9/2013 8:05 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, illa toban kalana way ku dhaawacmeen mudaharaad saaka ka dhacay magaaladda Saylac, ka dib markii dad ka xanaaqsan maayarka cusub ee loo doortay degmada saylac ay isku xeereen dawladda hoose ee magaaladaasi. Ciidamadda milatariga iyo booliska ayaa saaka aroortii hore isku dayey inay dadkaasi ka dareeriyaan xaruntaasi, balse way u suurtogali wayday ilaa markii dambe ay xoog u adeegsadeen, waxaana rasaastii ciidankaasi rideen ku dhaawacmay ilaa toban qof oo mid ka mid ahi la sheegay inuu dhaawacii u dhintay.

1/9/2013 8:02 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

1/9/2013 3:27 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo xalay ka khudbadeynayey munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 4-aad ee kasoo wareegtey markii xilka loo doortay, ayaa soo hadal qaaday arimo badan oo ku saabsan ammaanka Puntland, howlihii shidaal-baarista iyo eedeymaha xiligan xukuumaddiisa uga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka ah.

1/9/2013 1:45 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Kaddib kulan saraakiisha ciidamada Jabuuti AMISOM ay la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne ayaa waxaa leysku weydaarsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan isbadalka dhinaca nabad-galyada ah ee ka jira waqtigan magaalada iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshaan odayaasha iyo saraakiisha AMISOM.

1/9/2013 1:09 AM EST
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlayay dabbaal-deg loo sameeyay afar sano guuuradii kasoo wareegtay markii loo doortay madaxweynenimada Puntland oo xalay ka dhacday Boosaaso ayaa ka digay in dib u habeyn lagu sameeyo dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya.

1/9/2013 12:33 AM EST
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwa Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Booqatay qaar ka mid ah xaruumihii hantida ma guurtada ah ee Soomaaliya ku laheyd dalka Talyaaniga.