4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Madaxweyne Bashar Al-assad oo hoosta ka xariiqay qorshe cusub oo dhanka nabadda ah

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) —Madaxweeynaha dalka Suuriya Bashar Al-asad ayaa hadal uu maanta jeediyay uga hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta dalkaasi, isagoona sheegay in sida keliya ee xalka looga gaari karo dhibaatooyinka ka taagan dalkaasi ay tahay oo qura in la wada hadlo.

Madaxweeynaha ayaa ku tilmaamay kooxaha kasoo horjeeda dowaladiisa: “Argagixiso aan hore loo arag”, wuxuuna sheegay in kooxahani ay garab ka helayaan dad ajaanib ah, oo uu xusay in ay doonayaan in ay daciifiyaan awoodda Suuriya, taasoo uu sheegay in aysan marnaba suurogal ahayn.

Madaxweeynaha oo taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Damascus ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradka in ay xadgudubyo ba’an u geystaan dadka reer Suuriya, wuxuuna ugu baaqay shacabka dalkaasi in ay iska difaacaan kooxahaasi.

“Waxaa jirto argagixiso raaceeysa afkaarta ururka Al-qaacidda. Inagoo dad walaalo ah waxaa nalaka doonayaa in aaan la dagaalanno dadkani. Intooda badan ma ahan dad suuriya u dhashay, waxaan bari doonna cashar,” ayuu yiri madaxweeynaha.

‘Qaranka waxa iska leh dhamaanteen, waa in aan difaacannaa,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xal ka gaaridda dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalka suuriya  ay u baahan doonto in awoodaha shisheeye ay joojiyaan taageeridda iyo hubeynta kooxaha mucaaradka, wuxuuna xusay in dowaldiisu ay diyaar u tahay in ay qabato shir dib-u-heshiisiin  oo caalami ah oo lagu soo dhisi doono dowlad iyo dastuur cusub.

Kooxaha mucaaradka ee dalka Suuriya ayaa durba ku gacan seeyray hadalka kasoo yeeray madaxweeynaha Suuriya, waxayna sheegeen in aysan marnaba wada xaajood la gali doonin madaxweeyne Assad.

Louay Safi oo xubin ka ah kooxaha mucaaradka dalkaasi Suuriya ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wax aan ka ahayn in ay meesha ka baxaan madaxweeynaha iyo dowladiisa.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa dhawaan shaacisay in colaadaha ka jira dalka Suuriya ay galaafteen nolosha in ka badan 60,000 oo qof, waxaana weli dalkaasi ka soconayo dagaallo qaraar oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah madaxweeynaha dalka Suuriya iyo kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya