4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Dowladda Somalia iyo Xarakada Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ku dhexmaray Gobolka Gedo

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo shalaly gallinkii dambe ku dhexmaray deegaanno u dhexeeya degmada Luuq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan iyagana uu kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

"Dagaalka waxaan ku dilnay 23 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, dhankeenna waxaa nooga dhintay laba askari, kuwo kalena dhaawacyo ayaa naga soo gaaray," ayuu yiri Kaliil oo sheegay in goobihii lagu diriray ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna sheegatay inay dagaalkii shalay ku dileen 10-askari oo Soomaali ayna gacanta ku dhigeen laba askari, balse ma sheegin askartan inay Soomaali ahaayeen iyo inay Itoobiyaan yihiin, iyagoo intaas ku daray inay gubeen saddex gaari oo way wateen ciidamada Itoobiya.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ayaa deggen, iyadoo dadka ku sugan degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey ay sheegayaan inay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada Itoobiya ayaan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhexeysa Luuq iyo Garbahaarey, iyadoo la og-yahay in ciidamada aysan ka hadlin khasaaraha kasoo gaara dagaallada.

Inkastoo labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaalka haddana ma jiro cid kale oo xaqiijinaysa guulaha ay kala sheegayaan, sidoo kalena illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay oo ahaa mid culus oo muddo saacado ah socday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya