4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 6 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo si rasmi ah xariga ka jaray warshad cusub oo soo saaraysa Buugaagta iyo Waraaqaha

Axad, Jannaayo 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa xariga ka jaray Sabtidii shalay warshad cusub oo laga hirgaliyey magaaladda Hargeysa, taas oo soo saari doonta waraaqaha iyo buugaagta, kuwaas oo guud ahaan dalka wada gaadhsiin doonta.

Ganacsadaha warshadan furtay oo la yidhaa Aadan Baradho ayaa sheegay inay warshadani dabooli doonto baahida loo qabo in la helo waraaqo iyo buugaagta ardayda, isla markaana laga maarmi doono kuwa dibadda ka yimaadda, waxaanu sheegay inuu ku tallo jiro in loo gudbin doono dalalka jaarka wax soosaarka warshadan cusub.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Mr:Cabdirisaaq KHaliif Axmed ayaa sheegay inay taageeraan warshadaha cusub ee dalka laga hirgaliyo, taas oo furo u ah kobncinta dhaqaalaha dalka, waxaanu sheegay inay u fududeeyaan xaga cashuuraha iyo hawlaha kale ee ay wasaaradda kaga xidhma.

Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyey warshadan cusub ee la furay, waxaanu shacabka somaliland ku amaanay kaalinta ay kaga jiraan horumarinta dalka, isagoo xusay inuu dhiirigalinayo in la helo warshado wax soo saar, kuwaas oo faa’iido badan u leh dalka iyo dadkaba.

Waxa iyaguna munaasibadaasi lagu furayey warshadda ka qaybgalay siyaasiyiin iyo ganacsato badan, waxaana lagu casuumay madaxda xisbiyada, kuwaas oo soo dhoweeyey warshadan la furay.

Dhinaca kale, waxa maanta xilkii la wareegay golihii deegaanka ee magaalada Hargeysa loo soo doortay, kuwaas oo bedelay golihii deegaanka ee hore oo muddo toban sanno ah xilalkaasi hayey.

Munaasibadan xildhibaanadu xilkaasi kula wareegayeen waxa ka soo qaybgalay wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka cadaalada, Diinta iyo Awqaaf, badhasaabka gobolka, xisbiyadda qaran iyo marti sharaf kale oo badan.

Maayarkii hore ee Hargeya Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa sheegay mudadii ay dawlada hoose joogeen inay wax badan qabteen, isla markaana wax badan ka qabteen bilicda caasimadda, isagoo xusay in sanadihii u dambeeyey ay Hargeysa ka hirgaliyeen 58 waddooyin laami ah oo cusub ah si magaaladda bilicdeedda u noqoto mid dadka soo jiita.

Sidoo kale, waxa isna halkasi ka hadlay maayarka cusub Eng: Yuusuf Warsame Siciid oo tilmaamay inuu ku dadaalayo inuu hagaajiyo bilicda magaaladda, isla markaana isaga iyo xildhibaanada golaha deegaanku waxyaalo la taaban karo ku soo kordhin doonaan mudadda ay dawladda hoose ka shaqaynayeen.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa sheegay in goleyaasha deegaanada dalka ay wada shaqayn fiican wada leeyahay, isla markaana uu taageero badan siin doono goleyaasha deegaanka ee cusub, si ay hawlahooda si dhib yar u qabsaden, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta magaalooyinka iyo nabadgalyadooda si dalku horumar balaadhan u gaadho.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale kuwaas oo amaanay maayarkii hore, maayarka cusubna ku soo dhoweeyeen shaqooyinka badan ee sugaya.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland