4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ka warbixiyay Heshiis dhex-maray Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan

Jimco, Jannaayo 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyay heshiisyo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan, kaddib booqasho laba maamood ah oo uu dalkaas ku tagay.

Xasan Sheekh iyo wafdigiis ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho gellinkii dambe ee shalay oo Khamiis ahayd, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inay Suudaan ka caawinayso Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada booliiska Soomaaliya iyo dhimasha hay’adaha dowladda.

“Heshiisyada aan lasoo galnay Suudaan waxaa ka mid ah inaan yeelanno iskaashi laba geesood ah oo labada dal ka dhexeeya, in la sameeyo guddiyo farsamo, in nagala caawiyo biyaha iyo waraabka, iyo dhismaha hay’adaha dowladda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo intaas ku daray:

“Sidoo kale heshiisyada waxaa ka mid ah dib u dhiska Bankiga iyo hay’adaha xisaabaadka. Si wanaagsan ayaana isugu af-garanay dhammaan qodobbadii aan kawada hadalnay.” Isagoo intaas ku daray in Suudaan ay tababari doonto ciidamada ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay dalka imaan doonaan guddi farsamo oo ka socda dalka Sudan, kuwaasoo ay wada shaqeyn doonaan guddii Soomaali ah, isagoo xusay in wadahadalladaas kaddib la saxiixi doono heshiis laba geesood ah.

Dalka Suudaan ayaa wuxuu ka mid yahay dalalkii garab-taagnaa Soomaaliya tan iyo markii ay jabhado hubeysan xukunka ka tuureen dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxaana dalkaas wax ka bartay arday fara badan oo Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya