Hiiraan Online
Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Jan 31, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Aqoonsiga Soomaaliya ay heshay ma ahan mid cid gaar ah lagu dhibaateynayo”
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay hadal uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay in aqoonsigii uu siiyay Mareykanka dowladda Soomaaliya aanu quseyn Somaliland.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aqoonsiga Soomaaliya la siiyay ay dani ugu jirto Soomaalida oo dhan. Isagoo Intaas ku daray in aqoonsigan aysan dani ugu jirin qof iyo gobol gaar ah, balse uu yahay mid ay maslaxadi ugu jiro Soomaalida oo dhan.
"Waxaa qabaa in aqoonsiga dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ay siiyeen dowladda Soomaaliya aysan ahayn mid cid gaar ah lagu lug-goynayo ama lagu dhibaateynayo. Aqoonsigaas ma ahan mid ay dan gaar ah ugu jirto Xasan Sheekh, reer hebel uma sameyneyso dan gaar ah, balse Soomaaliya oo dhan ayuu macno u sameynayaa. Somaliland inay ka faa'iiddo mooyee wax kale oo dhib ah ugama imaanayaan," ayuu yiri Xasan Sheekh oo BBC-da la hadlayay.
Madaxweynaha Soonmaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mowifkooda yahay mid cad, isla markaana ay diyaar u yihiin in la mideeyo Soomaaliya, iyadoo aan lagu raadinayayn dagaal iyo jujuub.
"Mowqifkeenna horay ayaan u caddeynay, waxaan rabnaa in Soomaaliya la mideeyo, dagaal kuma mideyneyno, cidna culeys ma saareyno, laakiinse waxaa billowday wadahadal wixii aan isku af-garanno ayaa shaqeynaya. Somaliland iyo Puntland colaad gooni uma hayno, aqoonsiga waa mid faa'iido u wada ah Soomaalida oo dhan, dadka Soomaaliyeed ayaa u caddeynaynaa, faa'iidada magacaas ku timaada Soomaaliya oo dhan ayay wada-gaareysaa," ayuu madaxweynuhu ku yiri wargeysigiisa.
Madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo ayaa sheegay in xitaa 100-sano haddii ay kasoo wareegto aysan la midoobayn Soomaaliya, ayaanu ka madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlin isagoo sheegay inuusan hadlkaas maqal, laakiin ay muhiim tahay in isaga wax laga weydiiyo, isagoo sheegay in wadahadalka u billowday Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid lagu niyad-san yahay.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sharaf iyo karaamo ku yeelan karto midnimada, taasna ay u tahay faa'iido weyn u tahay Soomaalida oo dhan, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay xaqiijinayaan maslaxada ummadda Soomaaliyeed.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day muddo hadda laga joogo 20-sano, balse ma helin aqoonsi caalami ah, iyadoo madaxda Somaliland ay aqoonsiga dowladda Soomaaliya ku tilmaameen mid dhabar-jab ku ah gooni-isku-taaggooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
UNHCR oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Kenya ay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda
1/31/2013 11:47 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay doonayaan inay dib ugu laabataan dalkooda, kaddib labaatan sano oo ay xeryahaas ku jireen.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Somalia oo soo dhaweynaysay xiriirka cusub ee Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha
1/31/2013 10:15 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhaweysay dib u soo laabashada xiriirka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadihii lixdameeyada.
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shaaciyay Xeerka iyo Anshaxa Ururrada Siyaasadda ee ka qaybgalaya Doorashooyinka
1/31/2013 9:07 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xeerka anshaxa ururada siyaasadda ee ka qayb-gelaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.
Shacabka Somaliland oo u qaadan la' Amni-daradda ay Dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay ka jirto Somailand
1/31/2013 9:00 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa qaadan la’ warka ku saabsan amni-darrad ee kasoo baxay dowaldda ingiriiska ee ay shacabkeeda uga digtay in ay kasoo baxaan Somaliland, taasoo dadku badi is-waydiinayaan ujeeddada uu Ingiriisku ka leeyahay inuu ku sheego amn-daro Somaliland, hase yeeshe illaa hadda aanay helin jawaab ay ku qancaan.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Nidaamka Axsaabta Waalalaheenna Somaliland ayaynu kaga dayannay" (SAWIRRO)
1/31/2013 8:52 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shalay ka furmay shir-weynaha 1-aad ee urur-siyaasadeedka Horseed. Munaasabaddii shirka lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaamisyey, islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay madaxda sare iyo xubnaha ururka.
Haween markii ugu Horreysay ka mid Noqonaya Ciidamada Dowladda Somalia oo Tababar looga furay Baladweyne
1/31/2013 5:57 AM EST
Khamiis, Jannaayo, 31, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay magaalada Baladweyne tababar uga furay haween ka mid noqonaya ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacyo oo gaaray Marka
1/31/2013 5:40 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) —Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.
Madaxweynaha Somalia oo Faah-faahiyay kulammo Madaxda Midowga Yurub uu kula yeeshay dalka Belgium
1/31/2013 1:41 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Belgium ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub, kuwaasoo looga hadlay sidii dowladda uu hoggaaminayo gacan looga siin lahaa dib-u-dhiska dalka.
Somali News
Some Somali refugees willing to go back home– UNHCR
-
Xinhua
1/31/2013 1:26 PM EST
NAIROBI, Jan. 30 (Xinhua) -- The UN refugee agency said Wednesday a section of theSomali refugees living in Kenya have expressed willingness to return to Somalia asnormalcy returns to southern part of the Horn of Africa nation.
Somali journalist charged over rape report
-
Al Jazeera
1/31/2013 1:18 PM EST
UN says government charges could "intimidate and silence" those who investigative claims of rape by security forces.
Somali terrorism trial gets under way
-
UT - San Diego
1/31/2013 1:12 PM EST
SAN DIEGO — Scores of recorded phone calls show that four Somali immigrants conspired in 2008 to raise money and send it to their homeland to assist the terrorist group al-Shabaab, a federal prosecutor said at the opening Wednesday of a terrorism trial in San Diego.
Kenya to host first investment conference for Somalia
-
Xinhua
1/31/2013 12:28 PM EST
NAIROBI, Jan. 31 (Xinhua) -- Kenya will host the first investment conference for Somalia in June to showcase opportunities that exist in the Horn of Africa nation, organizers said on Thursday.
Dadaab finds innovative ways to educate knowledge-hungry refugees
-
Guardian
1/31/2013 12:27 PM EST
New university campus near Dadaab complex aims to improve life for Somali refugees and prepare them for returning home
Somali president praises EU development aid
-
BBC
1/31/2013 10:20 AM EST
The president of Somalia has said that "building state institutions" is the priority of his new government. Giving evidence to a joint session of the Foreign Affairs and Development Committees on 31 January 2013....
Somali Police boost Mogadishu security
-
PressTV
1/31/2013 7:12 AM EST
The Somali police force has announced that it will soon arrest suspects accused of killings in Somalia. Addressing journalists in Mogadishu, the Somali police commissioner said that no one was above the law, adding that Somalia remains an active member of the international police organization,....
Government Charges Woman Who Says She Was Raped By Security Forces
-
HUFF POST
1/31/2013 6:50 AM EST
MOGADISHU, Somalia — A human rights group says the Somali government has charged a woman who has said she was raped by security forces. The group said a journalist who interviewed her was also charged.
Mandera leaders decry poor KCPE performance
-
DailyNation
1/31/2013 3:47 AM EST
Leaders in Mandera have decried the County's poor performance in the 2012 Kenya Certificate of Primary Education (KCPE) examination. Mandera was ranked last among the 47 counties in the results released on Monday.
USA: Somalia refugee family of 11 looking for Spokane home
-
KREM
1/31/2013 3:01 AM EST
newsinsideSPOKANE -- A Spokane non-profit organization that helps re-settle foreign refugees faces an unusual challenge. World Relief Spokane is trying to find a home for a Somali family of 11.
Jury mulls verdict in US Christmas bomb plot trial
-
AFP
1/31/2013 2:53 AM EST
PORTLAND, Oregon: The jury in the trial of a Somali-American accused of plotting to blow up a Christmas tree ceremony retired to consider its verdict Wednesday after lawyers made closing arguments.