4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Weerar madaafiic iyo Bambo gacmeed ah oo xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo

Arbaco, January 30, 2013(HOL): Waxaa magaalada Baydhabo xalay soo weeraray kooxda Al-shabaab, waxayna soo weerareen fariisimo ay ciidamada ku lahaayeen meel u dhow Suuqa weyn ee xoolaha lagu iibsado, waxaan ay ku tuureen bambo gacmeed, waxaa isla xalay saqdii dhexe magaalada lagu soo tuuray qoriga la yiraahdo hoobiyaha, waxaana lagu soo tuurayey garoonka weyn ee magaalada Baydhabo nawaaxigiisa iyo meel u dhow guri ay deganaayeen malaaqyadii Digil iyo Mirifle, malaaqyadaas ay ahaayeen ku wii ka qayb qaatay dhismihii dowlada federaalka Soomaaliyeed , weerarka xalay ka dhacay oo aan jirin wax khasaaro ah oo muuqda oo hadda la sheegayo.

 

Tan kale magaalada waxaa ka jira xiisad siyaasadeed oo ay ku kala qaybsan yihiin maamul u sameynta gobolka Bay, waayo magaalada waxaa imaanaya Xildhibaano tiro badan iyo siyaasiin ka tirsan gobalka Bay, iyadoo qaarkood ay rabaan in maamul hadda ka taliya gobolka gebi ahaantiisa  la bedelo , halka kuwo kalena ay doonayaan in loo dhaafo maamulkii hore in ay sii hayaan muddo 6 bilood ah, taasoo aad loogu kala qaybsan yahay, ayna abuuri karto xiisad gacan ka hadal ah.

 

 

Xafiiska wararka Hiiraan Online