4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Waxgarad Taageeray shirka maamul u sameynta Gobollada Jubooyinka ee ka socda Magaalada Kismaayo

Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Aqoonyahanno, odoyaal, dhalinyaro iyo haween kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku muujiyay dareenkooda ku aadan shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo.

Kulankan oo ahaa mid taageero ah ayaa waxa xubnihii goobta ka hadlay ay muujiyeen dareenkooda ku aadan shirka uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD islamarkaasina maamulka loogu sameynayo gobollada Jubooyinka.

Aqoonyahan C/raxmaan Max’ed C/laahi oo kamid ahaa xubnihii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirka maamul u sameynta jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo, kaasoo uu soo qabanqaabiyay ururka IGAD.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Nabadoon Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) kaasoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in shacabka ku dhaqan gobolladaasi ay u madax baneeyso dhismaha maamulka, madaama buu yiri dastuurka Soomaaliya uu qorayo in wixii ka badan laba gobol ay sameysan karaan maamul.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah waxa ay u taageersanaayeen shirka maamul loogu sameeynayo gobollada Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo kaasoo imika ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Mudooyinkii u danbeeyay waxa jiray shirar is qilaafsan oo qaarkood lagu taageerayo dhismaha maamulka Jubbaland, qaar kalena looga soo horjeedo oo ka dhacayay qeybo katirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Xubnaha kasoo horjeeda shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa ku andacoonaya qodobo ay ka mid yihiin in aan maamul la dhisi karin inta qeybo kamid ah gobollada maamulka loo sameynayo ay  gacanta ugu jirto xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya