4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo ku eedeysay Maamullada Gobollada ka jira dalka inaysn xiriir la laheyn shacabkooda

Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) – Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa ku eedeysay maamulada ka jira gobollada dalka qaarkood in aysan xiriir wada shaqeyn ah la laheyn shacabka ay mas’uulka ka yihiin.

C/kariin Xusseen Guulleed wasiirrka arrimaha gudaha oo hogaaminayay wafdi heer wasiirro ah oo booqday magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay ayaa sheegay in ujeedada socdaalka ay ku tageen Baydhabo aheyd u kuur-galida xaaladaha nolaleed iyo nabad-galyo ee ka jira gobollka Bay gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Wasiirrku waxaa uu sheegay in kulamo ay la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Bay, waxgaradka, iyo odayaasha deegaannka ka wada hadlleen sida uu sheegay dhismaha maamul ku-meel-gaar ah oo dadku raali ka yahay, islamarkaana diyaarin doona jawi iyo marxalad ay dadku ku soo dooran karaan maamulada heer gobol iyo ilaa degmo.

‘’Annaga ujeedadeenu ma’aha in aynu badalno maamul dadkiisu raali ka yahay oo adeegiisa lagu qanacsan yahay, laakiin gobollka kasta oo maamulka ka jira uusan wax xiriir ah u dhaxeynin shacabka waxaa loo magacaabayaa maamul ku-meel-gaar ah oo bulshadu raali ka tahay,,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga.

Wasiirrka arrimaha gudaha waxaa uu intaa ku darray in xitaa marka la eego maamulada ku-meel-gaarka ah ee laga dhawaajiyay macnaheedu aheyn in xukuumadu ay toos ah u soo magacaabeyso, laakiin la tashi lala sameyn doono bulshada ku dhaqan hadba gobollka maamulka loo dhisayo.

Gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa awood u siiyay wasaarrada arrimaha gudaha in ay guda gasho dhismaha maamulo ku-meel-gaar ah oo loo sameeyo gobollada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya