3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
Wafdi ka kooban wasiirro oo la filayo in ay dhawaan booqdaan qeybo katirsan gobolka Galgaduud

Arbaco, Jannaayo, 30 2013 (HOL) -- Wafdi heer wasiirro ah oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu dhawaan booqdo qeybo katirsan gobolka galgaduud xilli  maalmihii ugu danbeeyay wafdi xildhibaanno ka kooban ay booqasho ku bixinayeen degmooyin iyo deegaano kala duwan oo katirsan gobolkaasi.

Xildhibaan Mahad Max’ed Salaad oo ka mid ah xildhibaannada booqanaya gobolka Galguduud ayaa sheegay in dhawaan gobollka ay booqan doonaan wafdi heer wasiirro ah oo ka socda xukuumada Soomaaliya.

Socdaalkan ay wafdiga ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay ku marayaan gobollka Galguduud ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo isku xiraya gobollka iyo dowladda federaalka Soomaaliya sida ay ka dhawaajiyeen xildhibaannada booqanaya gobollka.

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo inta badan ka taliya gobollka ayaa hadda u muuqda  in dhinaca siyaasada ay isaga soo dhawaanayaan dowladda federaalka, kadib markii ay kol hore booqasho ku tageen magaalada Muqdisho wafdi heer sare ah oo ka socday maamulka Ahlu Sunna ee gobollka Galguduud.

Xildhibaannada waxaa ay sheegeen in kulamadooda inta badan ay la qaadanayaan qeybaha bulshada oo sida ay sheegeen in ay ka dhageysan doonaan cabashada ay qabaan iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jira deegaannada uu gobollka ka kooban yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.













Click here
1/30/2013 3:48 PM EST
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Sidii aad la socoteen waxaa maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo, kaasi oo martiqaad ka helay Madaxda sare ee Midowga Yurub.

1/30/2013 1:12 PM EST
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da’diisa 18 jir tahay, isla markaana laga magacaabi jiray Xasan Bilow Jirid ay rag hubeysan oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab ay kala degeen gaari uu la socday, kaddibna ay gowraceen.

1/30/2013 12:55 PM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in abaal-marin lacageed ay siinnayso ciddii gudbisa xog ku saabsan weerarro, qaraxyo iyo falal kale oo dhibaateynayo shacabka iyo xubnaha dowladda, iyagoo sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu adkanayo ammaanka dalka oo dhan.

1/30/2013 12:25 PM EST
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Waxaa magaalada Baydhabo xalay soo weeraray kooxda Al-shabaab, waxayna soo weerareen fariisimo ay ciidamada ku lahaayeen meel u dhow Suuqa weyn ee xoolaha lagu iibsado, waxaan ay ku tuureen bambo gacmeed.

1/30/2013 11:17 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Farax Shir-doon (Saacid) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay ee arrimaha Siyaasada, Jeffrey Feltman iyagoo ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin, doorka ay Qaramada Midoobay doonayso inay ka ciyaarto geeddi socodka nabadda Soomaaliya iyo taageerada ay ka geysan karto arrimaha garsoorka, amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

1/30/2013 11:16 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa ku qabtay hoteelka Palace City ee magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad ku saabsanayd furitaanka wajiga labaad barnaamij loogu magacdarey Tiiraanyo-bixin kaasoo muddo laba bilood ah ka socon doona degmooyinka gobolka Banaadir.

1/30/2013 9:58 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL)-Madaxweyn aha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta labadda gole Baarlamaan (Golaha Wakiiladda iyo Guurtidda) ka jeediyey khudbad sanadeedkii 2013, kaas oo uu kaga waramay wixii u qabsoomay mudadaasi iyo mustaqbalka waxa u qorshaysan.

1/30/2013 8:27 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Aqoonyahanno, odoyaal, dhalinyaro iyo haween kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku muujiyay dareenkooda ku aadan shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo.

1/30/2013 7:52 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) – Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo bishii December ee sanadkii ina dhaafay 2012 hay’adda MSF Swiss joojisay gacantii ay siin jirtay, ayaa waxaa maanta gargaar gaarsiisay shirkada xawaaladda Amaana kadib markii ay codsi u soo gudbiyeen guddi la shaqeeya maamulka Isbitaalka.

1/30/2013 7:27 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaarayaan howlihii lagu xaqiijinayay ammaanka ee ay ka wadeen Muqdisho, xilli maalinimadii shalay qarax weyn uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

1/30/2013 7:13 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) – Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa ku eedeysay maamulada ka jira gobollada dalka qaarkood in aysan xiriir wada shaqeyn ah la laheyn shacabka ay mas’uulka ka yihiin.

1/30/2013 7:03 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) -- Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan xarrakada Al-shabaab Sheekh C/siis Abuu-musab ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada qaraxyada ah oo ay la beegsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

1/30/2013 6:23 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Barnaamijka cuntada aduunka (WFP) ayaa howlo raashiin qeybin ah ka bilowday degmada Kismaayo oo ay ku noolyihiin dad badan oo kasoo barakacay gobollada dalka Soomaaliya islamarkaasina ay saameyn ku yeesheen abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.