4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Rasaas dhimasho sababtay oo Al-shabaab ay ku furtay goob ay Xaflad Aroos ka socotay oo ku taalla Gobolka Hiiraan

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Qof dumar ah ayaa ku dhimatay saddex ruux kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay rasaas ku fureen goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taal deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan galinkii danbe ee maalintii shalay.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaannka Booco ayaa u sheegay warbaahinta in rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay tageen goobta lagu dhigayay munaasabadda, kadibna rasaas ku fureen, waxaana isla goobta ku geeriyootay mid ka mid ah haweenkii munaasabadda ku sugnaa halka sadax kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Haweenka ku dhawacmay rasaasta ayaa qaarkood la soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, halkaasoo hadda lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Xarrakada Al-shabaab ayaa inta badan ka soo horjeedda habka ay u dhacaan munaasabadaha loo dhigo aroosyada iyo xafladaha gaarka ah oo ay dadku sameystaan, waxaana marar badan oo hore deegaannada ay maamulaan ka dhacay weeraradan oo kale.

Dadka ku dhaqan deegaannka Booco 30-km u jirta magaalada Baladweyne ayaa siweyn uga xumaaday weerarka lagu qaaday munaasabadda, madaama dhacdadani ay ahayd mid ku cusub bulshada gobollka.

Hiiraan Online, News desk