3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2013
Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Bay oo sheegay inay adkeynayaan Aammaanka Gobolkaas

Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciimada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay ka go’an tahay adkeynta ammaanka deegaannada uu ka kooban yahay gobolkaas.

Hadalkan ayay saraakiishu ka sheegeen kulan looga hadlayay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Bay oo lagu qabtay magaalada Baydhabo, kaasoo uu goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga.

“Saraakiishu waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay Al-shabaab kula dagaalamaan gobolka Bay inta ay ka saarayaan gobolka oo dhan,” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo shalay Baydhabo tagay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo isaguna ka hadlay socdaalkiisa Baydhabo ayaa sheegay in ujeeddooyinkiisa ay qayb ka yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda ay ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin.

“Shacabka Baydhabo aad ayay noosoo dhaweeyeen markii aan tagnay Baydhabo, waxaana kaga maahad-celinayaa taageerada ay u hayaan dowladda iyo dowlad-jacaylkooda,” ayuu yiri wasiirka oo saxaafadda la hadlay.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhiggu wuxuu sheegay inay aad ugu kuur-geli doonaan inta ay Baydhabo ku sugan yihiin xaaladda ciidamada, isagoo xusay inay ciidamada ku sugan gobolka Bay ay heli doonaan mushaar iyo xuquuqaha kale ee ay dowladda ku leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/3/2013 5:14 PM EST
Khamiis, January 03, 2013(HOL): Shirweynihii lixaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Jaziira magaalada Muqdisho, iyadoo shirweynahanna uu ahaa lagu dooranayay hoggaanka sare ee guddiga olombikada Soomaaliyeed.

1/3/2013 3:07 PM EST
Video: Kulankii Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Britain oo ka dhacay magaalada London

1/3/2013 1:16 PM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Wasiirradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska, William Hague ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada London ee xarunta dalka Britain, waxayna kulankooda kaga hadleen xoojin xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

1/3/2013 6:51 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof ayaa ku dhintay shilal kala duwan oo ka dhacay dalka Kenya, kuwaasoo laba ka mid ah ay ka dhaceen gobolka Galbeedka Kenya ku yaalla ee Rift Valley kaddib markii ay wadayaasha gaadiidkaas oo ahaa basaska loo yaqaan matatuuga ay lumiyeen koontaroolka gaadiidka.

1/3/2013 6:22 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Ganacsatada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa bilaabay dayactir ay ku sameynayaan qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaas oo burbursan.

1/3/2013 4:31 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Qof dumar ah ayaa ku dhimatay saddex ruux kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay rasaas ku fureen goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taal deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan galinkii danbe ee maalintii shalay.

1/3/2013 3:51 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ku sugan dalka Sudan ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Mudane Cumar Xassan Al-shabaab oo ay wehlinayeen xubno katirsan golihiisa wasiirada.

1/3/2013 1:41 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Wasiirka Amniga Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ka sheegay kulan uu kaga qaybgalay magaalada Boosaaso inay wadaan qorshe ay kula dagaalamayaan Al-shabaab oo uu sheegay inay kusoo jabeen kaddib markii looga adkaaday Koonfurta Soomaaliya.