3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ruuxii Is-miidaaminta sameeyay uu kasoo goostay Xarakada Al-shabaab

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ruuxii ismiidaaminta ka geystay afaafka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo madaxtooyada ku dhow uu kasoo goostay Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay inay soo gudbin doonaan magaca ruuxan oo ka tiranaa hay'adda nabadsugidda Qaranka, isagoo hadalkiisa ku daray in hal askari oo ciidamada dowladda ka tirsan uu ku dhintay weerarkaas.

"Ciidamadii fashiliyay weerarka ayaan u mahadcelinaynaa, weerarkuna wuxuu ahaa mid fashilmay oo uu ku dhintay ruuxii weerarka qaaday iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo kale," ayuu yiri wasiirka wafaafinta.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inay baaritaanno ku hayaan sidii uu qaraxu ku dhacay iyo halka laga soo abaabulay, isagoo xusay inay ku rajo weyn yihiin in qaraxan uu noqon doono kii ugu dambeeyay oo ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, iyadoo si weyn ay u cambaareeyeen weerarka dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ruuxa ismiidaaminta sameeyay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu isku qarxiyo xarun ay ha'yadda nabadsugidda Qaranka ku leedahay gudaha madaxtooyada, balse ciidammo ku sugnaa koontarool ku dhow xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa ogaaday in ninkan uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa, taasna ay keentay inuu isla goobta isku qarxiyo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagayso falalka noocan oo kale ah, iyadoo aysan jirin mas'uul ka tirsan dowladda oo wax ku noqday weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/29/2013 12:29 PM EST
Talaado, January 29, 2013(HOL): Waxaa Hotelka Kilimanjaro ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania ka dhacday Xaflad aad u heer sarreysay oo lagu sagootinayay wafdigii iyo Ciyaartoydii Kubbadda Koleyga Soomaaliyeed ee guulaha taariikhi ahaa ka soo hooyay Tartankii Africa Zone 5 ee lagu qabtay magaalada Dar es Salaam .

1/29/2013 6:42 AM EST
Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqanaya deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta gobollka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

1/29/2013 6:37 AM EST
Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Anaadiif iyo danjiraha Tallyaaniga ee Soomaaliya, Mr. Andrea Mazzella ayaa cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

1/29/2013 3:52 AM EST
Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Bannaanbax laga soo horjeedo fidinta xarumaha xisbiga HORSEED ee talada Puntland haya ayaa ka dhacay magaaladda Buuhoodle ee gobolka Cayn.

1/29/2013 3:39 AM EST
Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkasoo uu kaga qaybgalayo shir ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub, kasoo lagu soo qaadayo arrimaha dalka Soomaaliya.

1/29/2013 3:02 AM EST
Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro ruux ismiidaamiye ahaa ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin oo ka dhacay afaafka hore ee xafiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas tiro kale.