4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 29, 2013
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium

Talaado, Jannaayo 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkasoo uu kaga qaybgalayo shir ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub, kasoo lagu soo qaadayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumad rasmi ah ka helay ururka Midowga Yurub, iyadoo madaxwynuhu uu la kulmmi doono madax kala duwan oo ka tirsan kuwa Midowga Yurub.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya isla markaana ah ra'iisul wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kaga qaybalay dalka Itoobiya shirkii madaxda Midowga Afrika, isagoo weydiistay dalalka Afrika inay caawiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal salbool ah oo u baahan gacanta walaalahood.

Warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safarrada madaxweynaha ay qayb ka yihiin sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

"Dhamaan madaxda dowladaha Afrika, xoghaya guud ee Qaramada Middobay iyo Midowga Yurub waxi wadajir ah u soo dhaweeyeen safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya kadib muddo ka badan 20-sanno," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada.

Safarkan ayaa noqonaya kii 13-aad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dal caalamka ku yaalla, iyadoo lagu wado in safarkan kaddib uu booqasho ku tago dalka Britain, halkaasoo bisha Maarso ee sannadkan uu ka dhici doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya