4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo taageero weydiistay Midowga Afrika


Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa ka dalbaday dalalka Afrika inay gacan siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay beesha caalamka doorkeedana uu yahay mid aan la yareysan karin.

Madaxweyaha ayaa khudbadiisa ku sheegy in si lab furnaan ah uu ugu mahad-celinayo dalalka Afrika. Isagoo xusay in Soomaaliya ay gacan uga baahan tahay walaalaheeda Afrika.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa Soomaaliya oo maanta miiska idiin saran inay tahay dal idin-la siman oo aysan ahayn dal la isku tuur-tuuro. Waxaan ka mid ahayn aasaasayaashii ururkan weyn, Soomaaliya waa dhab ee riyo ma ahan oo maanta waa waddan booskiisii kusoo laabtay oo kursigiisa ku fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay caqabadaha horyaalla dowladdiisa ayaa sheegay in Soomaaliya ay la mid tahay ilmo yar oo u baahan in gacanta la qabto si uu socodka u barto.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in gacan la siiyo si ay uga gudubto howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin in dhallinyarada shaqooyin loo abuuro.

“Waxaanu nahay sidii ilmo yar oo u baahan in gacanta la qabto, waxaanu nahay dal sabool ah oo walaalihiis uga baahan kaalmo,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisa, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga siiyo gacan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaanka.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dariska ah, isagoo yiri: “Waxaan soo jeedin lahaa in la dhiso guddiyo saddex geesood ah oo ka kooban dalalka qoxootiga haya, UNCHR iyo dowladda Soomaaliya guddigaas oo ka shaqeyn doona sidii xal waara loogu heli lahaa in qoxootiga ay dalkooda dib ugu laabtaan.”

Dhawaan ayaa waxay dowladda Kenya soo saartay amar ah inay qoxootiga ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkeeda ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab, halkaasoo ammaan ahaan aan wanaagsanayn, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday dalalka ay joogaan Qoxootiga Soomaalida inay dulqaad muujiyaan.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xaaladda ammaanka ay tahay caqabada ugu weyn ee soo food-saartay dowladdiisa, isagoo dalalka Afrika iyo beesha caalamka ka dalbaday in la taageero ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale, madaxda Midowga Afrika ayaa waxay u doorteen guddoomiyaha sanadlaha ah ee Midowga Afrika ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desaling, isagoo xilka kala wareegay madaxweynaha dalka Benin oo guddoomiyenimada ururka hayay sannadkii lasoo dhaafay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya