4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Booliiska AMISOM oo Tababar ku saabsan barista dambiyada u soo xiray qaar ka mid ah saraakiisha Booliiska Soomaaliya

Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) — Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tababar u soo gabgabeeyay saraakii ka tirsan booliiska Soomaaliya tababarkii saddexaad oo ku saabsan baarista dambiyada, iyadoo saaakiishan lagu guddoonsiiyay shahaadooyin dugsiga tababarka booliiska ee Jen. Kaahiye.

Tababarkan oo la siiyay 60-sarkaal oo 16 ka mid ah ay ahaayeen haween ayaa socday muddo laba toddobaad ah, iyadoo la baray xirfado ku saabsan habka loo sameeyo baarista dambiyada.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay dhowrka toddobaad ee soo socda sidoo kale loo qaban doono tababar noocan oo kale ah 140 sarkaal oo booliiska Soomaaliya ka tirsan.

“Tababarkan wuxuu ahaa mid sare loogu qaadayay xirfadaha baarista dambiyada ee ciidamada booliiska Soomaaliya, kaddib sannado badan oo ay isku dhacyada kooxaha hubeysan ay ka jireen dalka,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay AMISOM.

Dr. Charles Makono oo ah taliyaha booliiska AMISOM ayaa ku dhiirigeliyay saraakiisha tababarka loosoo gabagabeeyay in cilmiga ay barteen ay ku dabaqaan howlahooda ku aaddan baarista dambiyada ee ay ka sameynayaan dalka oo dhan.

“Nabad lama heli karo iyadoo aan sharciga la xoojin, sidoo kalena aan lagu sameyn baaris wanaagsan dambiyada dhaca. Sidaa daraadeed booliiska Soomaaliya waa inay qaybtooda ka qaataan sidii Soomaaliya nabad loogu soo celin lahaa. Saraakiishiinna maanta tababarka dhameystay waxaad gun-dhig u tihiin howsha nabadda iyo xasilloonia lagu gaarsiin lahaa Somaailya,
 ayuu yiri Dr. Makono.

Ugu dambeyn, Dr. Makono wuxuu u mahadceliyay taliyaha booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo kooxdiisa oo soo xulay haween ka qaybqaata tababarkan.

Booliiska AMISOM oo sannadkii hore howshooda ka billaabay Soomaaliya ayaa waxay tababarro dhowr ah siiyeen booliiska Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay booliiska AMISOM ka howlgalaan saldhigyo ku yaalla degmoooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya