4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Munaasabad la isku-baray dhalinyaro ka qaybgali doona tartanka isdhexgalka Dhallinyarada iyo Nabadda oo Gaalkacyo lagu qabtay


Sabti, January 26, 2013(HOL): Waxaa mar kale ka dhacay garoonka kubbadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo munaasabad ballaaran oo ay isku arkayeen boqoolal dhalinyaro ah kuwaasi oo u kala ciyaara kooxaha da' yarta ah ee Koonfurta iyo Waqoyinga Gaalkacyo iyadoona dhawaan tartamo kala gadisan oo dhanka cayaaraha ah  ay u furmi doonan.

 

Dhalinyaradaan ayaa isku imaatinkoda waxay iswedarsadeen salaam, isbarasho iyo in la sii xoojiyo xiriirka, waxaana haddii ay sidan dhacdo ay tilmaameen inay ka dhalan karto horumarka iyo nabadda gobalka labaadisa dhinac,  iyagona intaasi ku daray horumarka gobalka inay ku xiran tahay iyagoo isku fikir ah.

 

Mid ka mid ah naadiyada ka so qeybgalay kulanka aya si weyn ugu farxay  imaanshaha garoonka  kubada cagta Cawaale “waligey ma imaan Garoonka kubada cagta ee Cawaale  maantana waan ku suganahay waa ilaahey mahaddis in maantay aan farxad la qeybsanayo walaalahey reer Gaalkacyo anoo ka so jeeda dhinaca GalmudugMaantay iftiin ayaan dareemeynaa haddi aan nahay dhalinta isboortiga  gobolka Mudug, marka waa in aan hadalkooda beeninaa dadka mar walba dhahaya Gaalkacyo waa meel khatar ah, waxaana u sheegeyaa in dadka magaalada Gaalkacyo ay nabad iyo isdhexgal qaateen ”ayuu yiri Maxamed Yare. 

 

Munasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha  Ururka (Somali Sports and Relief Organization ) Cabdiqani Khalif Carrabey, wuxuuna munaasabadda ka jeediyay hadallo dhiri galin ah kuwasi oo ay kula dardarmayaan sidii aay dad mideeysan u noqon lahaayen dhalinyarada Gobolka Mudug  Waqooyiga iyo Koonfurta Galkacyo.

 


 
Ururka Somali Sports and relief organization ) ayaa ah urur ka shaqeyn doono arimaha Isboortiga iyo bulshada  Gobolka Mudug  Gudoomiyha Ururka Mr. Cabdiqani ayaa bahda Isboortiga  iyo bahda arimaha bulshada jecel ugu baaqay in ay tageero siiyaan ururka sidii uu uga shaqeyn lahaa horumarka  Gobolka iyo sidii dhalinta looga wacyigelin lahaa waxyaabaha ay sida qaladka ah ugu dhacaan da' yarta, kuwaasi oo ay  ka mid tahay Burcad-badeeddnimo, qabyaalad,  anshaxumo  iyo falalka xun oo an ku wanagsaneyn.

 

Dhinaca kale Ururka (Somali Sports and Relief Organization ) ayaa sanadkii 2012  ugu qaybtay  dhalinta tartamo ay ka qeybgaleen 8 naadi  oo ka dhisan Koonfurta iyo Waqooyiga, kuwaasi oo kooxihii ku guuleystay la siiyay abaalmarinno kala gedisan  oo kooxihi ku guulaystay la siiyay abaal-marinno kala gedisan. Hayeeshee tartamadan ayaa waxay isugu jiraan kuwo kubadda cagta ah, orodka iyo bootinta. Gudoomiyaha  Ururka Somali Sports And Relief Organization Cabdiqani Khalif Carabey  ayaa  dhalinta uga mahadceliyaysida wanagsan ee ay u soo xaadireen kulanka maanta ay isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Cawaale si loogu sheego diyaargarowga tartanka bisha Febraayo bilaaban doona.

 

Kualanka ay  maantay wada yeeshen dhalinyarada iyo maamulka tartanka ayaa si wanagsan ku soo

Dhammaaday, iyadoo lagu ballamay in Jimco walba garoonka la isugu yimaado, si uu u sii socdo diyaargarowga.

 

Ururka Tartanka Isboorti  qabanaya waxaad kala xiriiri kartaa emailka:  [email protected]