3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
DANJIRE MAHIGA: “Beesha Calaamku waa inay dhaqaale ku bixiso Dhismaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya”

Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danijre Augustine Mahiga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dhaqaale ay ku bixiyaan dhismaha ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan ammaanka guud ee dalka.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan awood badan u lahayn inay ciidamada Midowga Afrika ay kala wareegaan awoodda dalkooda oo qaybo ka mid ah ay weli ka taliso Al-shabaab.

“Ciidamada Soomaaliya haddii aan la siin tababarro ku filan awood uma yeelan doonaan inay awoodda kala wareegaan ciidamada AMISOM oo hadda gacan ku siiinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabadda kasoo horjeeda,” ayuu yiri danjire Mahiga.

Sidoo kale, Mahiga wuxuu yiri hadlakiisa: “Tababaridda ciidamada Soomaaliya waxay ku socdaan si gaabis ah, waxaan taas sabab u ah dhaqaale la’aan jirta.” Isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in tababarro loo siiyo ciidamadeeda si ay ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.

Hadalka danjiraha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay safiirro ka socda dalal caalamka qaarkood ay kulan kula yeesheen garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, kaasoo looga hadlay sidii loo sameyn lahaa hay’ad la socota halka ay ku baxaan deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya.

Dhanka kale, hadalka Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Soomalaiya ay codsatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, si tababarro loo siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayna awood ugu yeeshaan inay dalka oo dhan qabsadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/26/2013 12:29 PM EST
Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Wasiiradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim ayaa sheetay in xukuumadda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay saddex sarkaal lala xiriiriyay arrimo ku saabsan musuqmaasuq lagu sameeyay deeqo waxbarasho oo Soomaaliya ay ka heshay dalka Turkiga.

1/26/2013 12:05 PM EST
Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) — Booliiska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tababar u soo gabgabeeyay saraakii ka tirsan booliiska Soomaaliya tababarkii saddexaad oo ku saabsan baarista dambiyada, iyadoo saaakiishan lagu guddoonsiiyay shahaadooyin dugsiga tababarka booliiska ee Jen. Kaahiye.

1/26/2013 10:27 AM EST
Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Munaasabadda furitaanka idaacaddan cusub ayaa maanta ka dhacday xaruntii hore ee Gobolka ee loo yaqaan (K2) iyadoona ay kasoo qeybgaleen madax katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay maamulka KMG magaalada Kismaayo.

1/26/2013 8:12 AM EST
Sabti, January 26, 2013(HOL): Waxaa mar kale ka dhacay garoonka kubbadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo munaasabad ballaaran oo ay isku arkayeen boqoolal dhalinyaro ah kuwaasi oo u kala ciyaara kooxaha da' yarta ah ee Koonfurta iyo Waqoyinga Gaalkacyo iyadoona dhawaan tartamo kala gadisan oo dhanka cayaaraha ah ay u furmi doonan.

1/26/2013 7:30 AM EST
Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wax ka qabanayso hoos u dhaca ku yimid shillinka Soomaalga iyo sirir bararka raashinka, iyadoo wasiirka maaliyadda uu sheegay inay qaadi doonnaan tallaabo ay wax uga qabanayaan arrinaas.

1/26/2013 4:55 AM EST
Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waabarigii howlgallo ballaaran ka bilaabay qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona ay ciidamadu howlgalladaasi kusoo qabqabteen dad badan oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

1/26/2013 4:02 AM EST
Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ka dhoofay Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qaybgalayaan shir-sannadeedka Midowga Afrika.