3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Xulka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo ku haray semi final-ka Tartanka FIBA Zone 5 (SAWIRRO)


Jimco, January 25, 2013(HOL): Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo tartanka FIBA Zone 5 ee dalka Tanzania ka socda ka qeybgelaya ayaa waxaa uu soo gaaray rubac-dhammaadka tartanka ama semi-finalka, hayeeshee ciyaartii caawa dhexmartay Somalia iyo Rwanda ayuu xulka Somalia ku haray.

 

Ciyaartii dhexmartay Xulalka Somalia iyo Rwanda ayaa waxay ku soo gebagebowday waqtigii loogu talagalay 83—86, waxaana ciyaarta finalka u soo gudbay Kooxaha Rwanda iyo Masar. Ciyaarta oo ahayd mid xamaasad leh ayay labada xul ahaayeen kuwo si aad ah isugu dhow oo aan farqi weyn u dhaxeynin illaa dhammaadkii ciyaarta.

 

Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya ayaa wuxuu horay uga soo badiyay Xulalka Kenya iyo Burundi oo uu  si xarago leh uga soo badiyay. Xulka Soomaaliya iyo Xulka Kenya ayaa waxay berri u tartami doonaan kaalinta seddexaad ee tartankan.

 

Sida uu inoo xaqiijiyay Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab aad ayay u dadaaleen ciyaartoyda xulka Soomaaliya, hayeeshee nasiibka ayaa ka hiilliyay, inkastoo uu dhinaca garsoorka xoogaa dhaliilay.

 


Daawashada ciyaarta waxaa ka qyebgalay dadweyne aad u faro badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo Tanzania u tegay in ay taageeraan ciyaartoyda xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya, sidoo kalena waxaa daawashada ciyaarta ka qeybgalay diblumaasiyiiyiin Soomaali ah  oo ay ka mid yihiin Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameerika oo Tanzania u tegay in uu taageeradiis u muujiyo ciyaartoyda Soomaaliyeed, Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Tanzania Mohamed Dirie Elmi  iyo Xoghayaha labaadee safaaradda Soomaalida ee Tanzania Maxamed Shiikh C/llaahi Carab. Waxaa kale oo ciyaarta wax ka daawanayay Qunsul Sharafeedka Djibouti ee Tanzania Saciid Shaamow.

 

Sidoo kale waxaa joogay Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Kolayga Maxamed Xaaji Cali, Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, ahna madaxa Wafdiga Saciid Faarax Ducaale, Tababarayaasha  Ciyaartoyda Soomaaliya meteleysa C/qaadir Baarajab, Bashiir Fokis, Axmed Muuse iyo mas’uuliyiin kale oo Isboorti.

Ugu dambeyntii Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgashay tartankan oo u badan kuwo ku koray dalka Soomaaliya dibaddiisa ayaa waxay muujiyeen karti iyo wadaniyad ay ku difaaceen qaranka Soomaaliyeed, iyagoo weliba u awood sheegtay dalal wadamadooda aysan dhibaato ka dhicin intii ay Soomaaliya dhibaatada ku jirtay.
 








 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]













Click here
1/25/2013 12:45 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Macharia Kamau ayaa weydiistay Qaramada Midoobay in dalka Kenya loo celiyo dhaqaalihii kaga baxay howgalkii milateri ee ay ku galeen Soomaailya.

1/25/2013 12:23 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa gallinkii dambe ee maanta ku dilay deegaan lagu magacaabo Hargaanti oo 40-km ka baxsan degmada Bu’aale ee gobolka Jubbad Dhexe nabaddoon lagu magacaabi jiray Daahir Caydiid.

1/25/2013 11:56 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Taliyaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya in dadka lagu soo qabqabto howgallda laga sameeyo Muqdisho qaarkood lagu sii-daayo lacago.

1/25/2013 11:35 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Shabakadda isku xirna bulshada ee Twitter ayaa xannibtay maanta oo Jimco ah boggii ay Al-shabaab ku lahayd shabakaddaas, kaddib markii ay ku baahiyeen sawirro muujinaya mid ka mid ah askarta kumaandooska Faransiiska oo la dilay iyo hanjabaad lagu sheegay in la dilayo Dennis Allex.

1/25/2013 1:40 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid laga maarmaan ah oo howlaha horyaalla dowladda ay ka mid yihiin sidii midnimada ummaddan loo ilaalin lahaa.

1/25/2013 1:27 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka hortagayso saddex qodob oo aad u fool xun, kuwaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kufsiga haweenka.

1/25/2013 1:05 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Mucaaradka Jabuuti ayaa sannadkan isku diyaarinaya ka qaybgalka doorashooyinka baarlamaanka ee dhici doona bisha Feberaayo ee sannadkan, kaddib markii is-bedel lagu sameeyay bishii November ee lasoo dhaafay nidaamka doorashada ee baarlamaanka Jabuuti kaasoo ahaa in kuraasta oo dhan ay buuxiyaan kooxdii hesha aqlabiyadda baarlamaanka, kaasoo ay mucaaradku kasoo horjeedeen.