3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Somaliya oo iska fogeysay inay lacago kusii daayaan dadka lagu soo qabqabto Howlgallada

Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Taliyaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya in dadka lagu soo qabqabto howgallda laga sameeyo Muqdisho qaarkood lagu sii-daayo lacago.

Fiqi ayaa hadalkan ku sheegay mid kutiri-ku-teen ah loogana dan leeyahay in ciidamada dowladda lagu furo dacaayado aanay waxba ka jirin, isagoo sheegay inay mar walba u taagan yihiin sugidda ammaanka iyo ka hortagga kooxo uu ku sheegay inay nabadda kasoo horjeedaan.

“Warkan waa mid been abuur ah, ciidamadeennu waa kuwo sharaf leh, waxaana dad aan qabanno ku wareejinnaa maxkamadda ciidamada si sharciga loo horgeeyo,” ayuu Fiqi u sheegay idaacadda Bar-kulan ee xarunteedu tahay Nairobi.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay gacan ku siiyaan sidii ay ciidamadu kusoo qaban lahaayeen dadka dambiyada galay iyo xubnaha ka tirsan Al-shabaab, isagoo xusay inaysan jirin dambiile lagu sii daayo lacag.

“Hay’addu waxay shaqaaleysay dhallinyaro kasoo goostay Al-shabaab, kuwaasoo gacan ka geysta soo qabashada xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ku sugan gudaha magaalada si ay dhibaatooyin uga geystaan,” ayuu yiri taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray inay ka faa’iideystaan xogta ay xambaarsan yihiin xubnaha kasoo goosta Al-shabaab. Isagoo xusay in howgallada socda ay sababeen in ammaanka caasimadda Soomaaliya uu noqdo mid sidii hore kasoo raynaya.

Hadalka taliyaha nabadsugidda ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dadka lagu qabqabto howgallada ka socda Muqdisho lacago lagu bedesho marka la geeyo xabsiyada ay hay’addu maamusho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/25/2013 5:36 PM EST
Jimco, January 25, 2013(HOL): Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo tartanka FIBA Zone 5 ee dalka Tanzania ka socda ka qeybgelaya ayaa waxaa uu soo gaaray rubac-dhammaadka tartanka ama semi-finalka, hayeeshee ciyaartii caawa dhexmartay Somalia iyo Rwanda ayuu xulka Somalia ku haray.

1/25/2013 12:45 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Macharia Kamau ayaa weydiistay Qaramada Midoobay in dalka Kenya loo celiyo dhaqaalihii kaga baxay howgalkii milateri ee ay ku galeen Soomaailya.

1/25/2013 12:23 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa gallinkii dambe ee maanta ku dilay deegaan lagu magacaabo Hargaanti oo 40-km ka baxsan degmada Bu’aale ee gobolka Jubbad Dhexe nabaddoon lagu magacaabi jiray Daahir Caydiid.

1/25/2013 11:35 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Shabakadda isku xirna bulshada ee Twitter ayaa xannibtay maanta oo Jimco ah boggii ay Al-shabaab ku lahayd shabakaddaas, kaddib markii ay ku baahiyeen sawirro muujinaya mid ka mid ah askarta kumaandooska Faransiiska oo la dilay iyo hanjabaad lagu sheegay in la dilayo Dennis Allex.

1/25/2013 1:40 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid laga maarmaan ah oo howlaha horyaalla dowladda ay ka mid yihiin sidii midnimada ummaddan loo ilaalin lahaa.

1/25/2013 1:27 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka hortagayso saddex qodob oo aad u fool xun, kuwaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kufsiga haweenka.

1/25/2013 1:05 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Mucaaradka Jabuuti ayaa sannadkan isku diyaarinaya ka qaybgalka doorashooyinka baarlamaanka ee dhici doona bisha Feberaayo ee sannadkan, kaddib markii is-bedel lagu sameeyay bishii November ee lasoo dhaafay nidaamka doorashada ee baarlamaanka Jabuuti kaasoo ahaa in kuraasta oo dhan ay buuxiyaan kooxdii hesha aqlabiyadda baarlamaanka, kaasoo ay mucaaradku kasoo horjeedeen.