3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Boggii Al-shabaab ay ku lahayd Shabakadda Twitter-ka oo la Xannibay Kaddib Markii lagu baahiyay Sawir Askari la dilay


Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Shabakadda isku xirna bulshada ee Twitter ayaa xannibtay maanta oo Jimco ah boggii ay Al-shabaab ku lahayd shabakaddaas, kaddib markii ay ku baahiyeen sawirro muujinaya mid ka mid ah askarta kumaandooska Faransiiska oo la dilay iyo hanjabaad lagu sheegay in la dilayo Dennis Allex.

Boggan Twitter ee Al-shabaab oo ah @HSMPress oo ku baxayay luuqadda Ingiriiska ayaa waxaa markii aad booqato waxaa kusoo baxaysa fariin ah “Boggaan waa la hakiyay”, iyadoo aan la bixinayn faahfaahin dheeraad ah.

Laakiinse, bogagga kale ee Twitter-ka ee Al-shabaab ay leedahay oo ku baxa luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga ayaa weli shaqeynaya, iyagoo boggaa ku baxa Carabiga ku sheegay in xayiraaddan ay tahay mid faafreeb looga dan leeyahay.

“Tani waa caalamad muujinaysa xorriyadda hadalka ee reer galbeedka,” ayaa lagu yiri fariin ay Al-shabaab soo saartay.

Arbacadii lasoo dhaafay ayay Al-shabaab ku baahisay boggaan la xannibay cajalad fiidiyoow ah oo ay kasoo muuqdeen lahaystayaal Keyan ah, kuwaas oo ay sheegtay inay dili doonto muddo saddex toddobaad gudahood ah, haddii aysan Kenya xabsiyada dalkeeda kasii dayn maxaabiis ku eedeysan argagaxisonimo.

Shabakadda Twitter ayaa horay u sheegtay inay bogga ka xiri doonno ciddii u isticmaasha arrimo ka baxsan sharciyadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin in cid kale loogu hanjabo. Waxayna shabkaddu sheegtay inay ugu talogaleen bogaggooda in loo adeegsado isku xirka bulshada.

Dhanka kale, dadka isticmaalaha ayaa waxaa loogu hanjabay in laga xiri doono bogagga ay Twitter ku leeyihiin haddii ay u adeegsadaan faallooyin aan sharci ahayn iyo waxyaabo kale oo dhibaatooyin abuuraya, inkastoo aan la sheegin waxyaabaha dhibaatooyinka abuuraya.

Bishii December 2011, ayay Al-shabaab boggan furatay, waxayna u adeegsan jirtay inay ku baahiso wararkeeda ku saabsan dagaalka ay kula jirto ciidamada AMISOM oo ay Kenya ka mid tahay, iyadoo boggaan ay ku xirnaayeen dad ka badan 20,000 oo qof.

Xoogagga Al-shabaab ayaa sannadkii laga qabsaday deeganano badan oo ay kaga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii ay dagaallo xooggan la galeen ciidamada AMISOM ee tiradoodu tahay 17,000 ee askair iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidammo ka socda dalka Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/25/2013 5:36 PM EST
Jimco, January 25, 2013(HOL): Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo tartanka FIBA Zone 5 ee dalka Tanzania ka socda ka qeybgelaya ayaa waxaa uu soo gaaray rubac-dhammaadka tartanka ama semi-finalka, hayeeshee ciyaartii caawa dhexmartay Somalia iyo Rwanda ayuu xulka Somalia ku haray.

1/25/2013 12:45 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Macharia Kamau ayaa weydiistay Qaramada Midoobay in dalka Kenya loo celiyo dhaqaalihii kaga baxay howgalkii milateri ee ay ku galeen Soomaailya.

1/25/2013 12:23 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa gallinkii dambe ee maanta ku dilay deegaan lagu magacaabo Hargaanti oo 40-km ka baxsan degmada Bu’aale ee gobolka Jubbad Dhexe nabaddoon lagu magacaabi jiray Daahir Caydiid.

1/25/2013 11:56 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Taliyaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya in dadka lagu soo qabqabto howgallda laga sameeyo Muqdisho qaarkood lagu sii-daayo lacago.

1/25/2013 1:40 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid laga maarmaan ah oo howlaha horyaalla dowladda ay ka mid yihiin sidii midnimada ummaddan loo ilaalin lahaa.

1/25/2013 1:27 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka hortagayso saddex qodob oo aad u fool xun, kuwaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kufsiga haweenka.

1/25/2013 1:05 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Mucaaradka Jabuuti ayaa sannadkan isku diyaarinaya ka qaybgalka doorashooyinka baarlamaanka ee dhici doona bisha Feberaayo ee sannadkan, kaddib markii is-bedel lagu sameeyay bishii November ee lasoo dhaafay nidaamka doorashada ee baarlamaanka Jabuuti kaasoo ahaa in kuraasta oo dhan ay buuxiyaan kooxdii hesha aqlabiyadda baarlamaanka, kaasoo ay mucaaradku kasoo horjeedeen.