3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Xisbiyada Mucaaradka Jabuuti oo isku diyaarinaya ka Qayb-galka Doorashada Baarlamaanka ee Sannadkan

Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Mucaaradka Jabuuti ayaa sannadkan isku diyaarinaya ka qaybgalka doorashooyinka baarlamaanka ee dhici doona bisha Feberaayo ee sannadkan, kaddib markii is-bedel lagu sameeyay bishii November ee lasoo dhaafay nidaamka doorashada ee baarlamaanka Jabuuti kaasoo ahaa in kuraasta oo dhan ay buuxiyaan kooxdii hesha aqlabiyadda baarlamaanka, kaasoo ay mucaaradku kasoo horjeedeen.

Nidaamka cusub ayaa fursad siinaya mucaaradka dalkaas kaddib 35-sano, iyadoo xukuumadda Jabuuti aqbashay Novembertii lasoo dhaafay in liiska aqlabiyadda lagu baddalo nidaam liisas isku dhafan ah oo gaaraya 20% kuraasta lagu qaybin doono qaab saami ah.

"Isbahaysiga kooxaha mucaaradka ee dalka Jabuuti ee USC oo ay ku biireen dhaqdhaqaaqyo iyo shakhsiyaad madax-bannaan ayaa dhisay isbahaysi soo gunaanadaya qaadacaaddii siyaasadda ee tobanka sano socotay," ayaa lagu yiri warbixni uu bishii lasoo dhaafay ay soo saareen mucaaradka.

Gaashaanbuurta mucaaradka ayaa xisbiyada ku midoobay waxay kala yihiin: isbahaysiga jamhuuriga ah ee horumarka, xisbiga horumarka Jabuuti iyo xisbiga dimuqraadiga Qaranka.

C/kariin Maxamuud oo ka mid ah aasaasayaasha xisbiga horumarka ee dalka Jabuuti ayaa rajo weyn ka muujiyay in mucaaradku ay sannadkan sidii hore ka guul badnaan doonaan.

"Mucaaradku waxay rajo weyn ka qabaa in sannadkan ay guulo waaweyn ka gaaraan doorashooyinka baarlamaanka oo dhacay bisha 22-ka Febraayo 2013," ayuu yiri C/karin Maxamuud oo intaas ku daray in mucaaradkku ay haystaan fursad xooggan oo ay doorashooyin guulo uga gaari karaan.

Hoggaamiyaha caanka ah ee mucaaradka, Daahir Axmed Faarax oo Jabuuti ku laabtay 13-kii bishan kaddib 10 sano oo Belgium uu musaafuris ahaan ugu noolaa isagoo ku biiray isbbahaysiga USC oo hadda uu ka yahay afdhayeen.

Sidoo kale, Xasan Cabdullaahi oo ka mid ah xubnaha Xisbiga dimuqraadiga Qaranka ayaa sheegay in isbahaysiga talada haya ee UMP uusan walaac ka qabin mucaaradka Jabuuti. Isagoo yiri: "Mucaaradka waxaa haysta hoggaan la'aan, isbahaysigani waa mid la iska dhisay oo aan xaqiiqo ku fadhin. Taas waxaa caddeyn u ah inay 10 sano ka maqnaayeen masraxa siyaasadda aysanna haysan sumcad siyaasadeed."

Mas’uulkan wuxuu yiri: "Xisbiga talada haya ee UMP hadda wuu ka xoog badan yahay sidii hore, mucaaradkuna ma haystaan fursad macquul ah oo ay kaga guuleysan karaan xisbigeenna,” ayuuu yiri Xasan Cabdullaahi.

Isbahaysiga xilka haya ee UMP oo xilka haya 10-sano ayaa waxaa ka mid ah: Dhaqdhaqaaqa Ummadda ee Horumarka, Dhaqdhaqaaqa Dib-u-habaynta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda, Midowga Taageerada Dib-u-habaynta iyo xisbiga Dimuqraadiga Bulshada.

Dhanka kale, waxaa jira laba xisbi oo aan haysan ogolaasho ay uga qaybgeli karaan doorashooyinka baarlamaanka ee sannadkan, kuwaasoo kala ah RADD oo ay xubnihiisu ka socaan bulshada rayidka ah iyo xisbiga MODEL oo loo arko inuu yahay xisbi Islaami ah oo ay xubno ka yihiin culummada diinta ugu waaweyn dalka Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/25/2013 5:36 PM EST
Jimco, January 25, 2013(HOL): Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya oo tartanka FIBA Zone 5 ee dalka Tanzania ka socda ka qeybgelaya ayaa waxaa uu soo gaaray rubac-dhammaadka tartanka ama semi-finalka, hayeeshee ciyaartii caawa dhexmartay Somalia iyo Rwanda ayuu xulka Somalia ku haray.

1/25/2013 12:45 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Danjiraha Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Macharia Kamau ayaa weydiistay Qaramada Midoobay in dalka Kenya loo celiyo dhaqaalihii kaga baxay howgalkii milateri ee ay ku galeen Soomaailya.

1/25/2013 12:23 PM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa gallinkii dambe ee maanta ku dilay deegaan lagu magacaabo Hargaanti oo 40-km ka baxsan degmada Bu’aale ee gobolka Jubbad Dhexe nabaddoon lagu magacaabi jiray Daahir Caydiid.

1/25/2013 11:56 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Taliyaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya in dadka lagu soo qabqabto howgallda laga sameeyo Muqdisho qaarkood lagu sii-daayo lacago.

1/25/2013 11:35 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Shabakadda isku xirna bulshada ee Twitter ayaa xannibtay maanta oo Jimco ah boggii ay Al-shabaab ku lahayd shabakaddaas, kaddib markii ay ku baahiyeen sawirro muujinaya mid ka mid ah askarta kumaandooska Faransiiska oo la dilay iyo hanjabaad lagu sheegay in la dilayo Dennis Allex.

1/25/2013 1:40 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay mid laga maarmaan ah oo howlaha horyaalla dowladda ay ka mid yihiin sidii midnimada ummaddan loo ilaalin lahaa.

1/25/2013 1:27 AM EST
Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka hortagayso saddex qodob oo aad u fool xun, kuwaasoo uu sheegay inuu ka mid yahay kufsiga haweenka.